Kategoriarkiv: Ukategorisert

Tirada Roomaanka

– Sumadaha tiro ee aan maanta adeegsanaa, barihii baa u sheegay, – weligeed lagama adeegsan jirin adduunka. Waxa adeegsigeeda laga bilaabay Yurub qiyaasta 1000 ka hor, waxa iminka habkan laga adeegsadaa adduunka intiisa badan.

– Waxaan aqaan tiro kale, Daniel baa yiri, – tirada Roomaanka.

– Sidee weeye tirada Roomaanku? barihii baa weydiiyey.

Daniel baa waxa uu qoray: I, V, X. – Waa kow, shan, iyo toban, buu yiri.

Haa, baa Selma tiri. Afar iyo lixna waxa loo qoraa IV iyo VI. Waa adeegsannaa had iyo jeer tirada Roomaanka, laakiin sida badan qurxin keliyaan u adeegsannaa.