» Tiro iyo aljebra » Abyoonayaal Taban

Abyoonayaal Taban

Barihii sabuuradda iyo xarriiqdii ku tiil dhankooduu aadaya. Wuxuu u sii dheeraynayaa xarriiqda dhanka bidix, waxaanuu xarriijin ku samaynayaa dhinaca bidix ee 0.

matte_negative-tall-01

-Tiradee baan halkan ku qoraynaa? Buu weydiinayaa.

Dhammaan mar baa la wada odhanayaa: – waa kow oo taban!

-Taasi macnaheedu waa maxay? Ayuu barihii sii weydiinayaa.

-In ay ka yartahay eber, Andreas baa ku jawaabay.

-Haddii aan kugu iraahdo adiga, Lin, waxa aan ku siinay hal karoone oo taban, maxaan uga jeedaa? Barihii baa u yiri si khatalaad yari ku jirto.

-Taas macnaheedu waa in aad hal karoone igu leedahay, bay dhaqso ugu jawaabtay Lin.

-Goorma ayaan adeegsanaa tirooyin ka yar eber, ama abyoonayaal taban sida inta badan niraahno? barihii baa weydiiyey.

matte_negative-tall-02

-Waxa aan adeegsadaa marka aan kalagoyn xisaabinayo, Alan baa yiri.

-Waxa ay ku yaalliin kulbeegga, baa Daniel yiri. – Tusaale ahaan – 3°C.