» Tiro iyo aljebra » Tobanle

Tobanle

Hadda barahu waxa uu aadayaa dhanka sabuuradda, jeeso (tabaashiir) ayuu qaadanayaa oo uu waxa uu samaynayaa xarriiq. Xarriiqda waxa ku samaynayaa xarriijimo yaryar waxaanuu ku kor qorayaa tirooyinka 0,1,2,3 iyo 4.

Waxaa uu weydiinayaa: – Ma jiraa tiro u dhexaysa tirooyinkaan ku qoray sabuuradda?
– Haa, Lin baa tiri, – Jajab tobanleyaal, dee(nooh)!
– Saddex dhibic shan, baa Daniel yiri.
– Iyo kow dhibic saddex, baa Maria tiri.
– Laba iyo badh, baa Alan yiri.
– Eber dhibic shan, baa Selma tiri, waa kow oo la kala badhay.
– Jajab tobanleyaal, waa tobneed iyo wax la mid ah oo kale, waxay la tahay Andreas.
– Imisa tiro ayaa u dhexeeya 1 iyo 2, baa barihii u weydiiyey si yara khatalaad ah.
Waxyaalo kala duwan baa la soo jeediyay: 10, 9, 100, 1000. Markasta baruhuna intaa ka badan buu ku jawaabayay. Waxa u dhexeeye tirooyin aan xad lahayn!
– Maxaa looga jeeda tiradan? Barihii baa weeydiinaya oo ku qorayana 0,75 xarriiqda.
– Waa eber dhibic toddobaatan iyo shan, Maria baa ku jawaabtay.
Barihii waa sii waday weydiintii: – Maxaa looga jeedaa 7 halakan?
– Waxa looga jeedaa 7 tobneed, Selma ayaa ku jawaabtay.
– Tirada 5na waxa looga jeedaa 5 boqleed! Alan aad buu ugu qanacsanyahay in uu yaqaanno taa.

– Haddii aan ku laabano tusihii, halkee baa meel uga bannaan tahay jajab tobanleyaasha? Barihii baa soo saaraya tusihii.

– Tobneedyadu waxa ay ka danbaynayaan koowaadyada; boqleedyaduna waxa ay ka danbaynayaan tobneedka, Andreas baa ku jawaabay.

– Toban tobneed baa ku jira hal koowaad; toban boqleed baana ku jira hal tobneed, ayaa Maria ku dartay.
– Markaa boqol boqleed baa ku jira hal koowaad, baa Daniel yiri.
– Markaa waxa muhiim ah in dhibic laga dambaysiiyo koowaadka, Lin baa ku dartay.

06

– Ma ka fekerteen in aynu kuwaan adeegsanno markaan cabbirayno dherer iyo marka aan wax miisaamayno? Barihii baa weydiiyey. –Toban miillimitir baa ku jira hal sentimitir, toban sentimitir baa ku jira hal diisimitir, toban diisimitirna waxa ay ku jiraan hal mitir. Sidaas oo kale weeye culayskuna. Waxa aan haysannaa garaam, hektogaraam iyo kiiloogaraam. Sida caadada ah waxaan niraahnaa kiiloo keliya, halkii aan ka oran lahayn kiiloogaraam. Kiiloo waxa ka timi erey Giriig ah oo macnahiisu yahay kun. Kun garaam baa ku jira hal kiiloo. Waxa aan adeegsanaa tuse marka aan wax ku xisaabinayno halbeegyadan.