» Bandhig xog, garaaf jiitimeed

Bandhig xog, garaaf jiitimeed

 

– Kambayuutarku ma naga caawiniyaa inaan sawirno? Selma ayaa weydiisay.

– Haa, macallinkii baa ku jawaabay, -hadda ayuu inaga caawinayaa in aan sawirno garaaf jiitimeed.

– Marka hore waa in aan calaamadaynaa, ayaa Andreas soo jeediyey.

Ardaydii waa calaamadeeyeen tusehii. Waxaa loo sheegay inay ka doortaan xarriiqda qalabka Sett inn, iyo stolpe oo ku hoos qoran diagrammer.

sett-inn

Tilmaan-bixinti ayay adeegsadeen waxayna heleen garaaf jiitimeed.

so_graf

– Halkan waxaan ka arkaynaa qofka ugu waqtiga yar, baa Daniel yidhi.

– Selma waqti kayga ka badan bay ku qaadataa, Alan baa ka faalooday.

– Tuseha kalena sidan oo kale ma ku samayn karnaa, kan tusaya inta ka dhiman dhalashooyinka? Maria ayaa weydiisay.

– Haa, ayaa macallinkii ku jawaabay.

Markaas bay bilaabeen. Ka dib markay ardaydii ogaadeen meelo kale oo badan oo ay xog ka soo ururin karaan ayaa derbiga fasalka tuseyaal iyo garaaf jiitimeedyo badan oo fiican la sudhay.