» Joomateri

Joomateri

Qoraalkan waxaa ka baran kartaa shaxannada joomateriga. Waxaa baranayasaa magacyada shaxannada kala duwan iyo midkasta astaamihiisa. Waxa kale oo aad baranaysaaa siyaalaha kala duwan ee shaxannada booska looga dhaqaajin karo, adiga oo adeegsanaya hummaag samayn, wareejin ama durkin.

 

Shaxannada joomateriga

maur03

Waa xiisad xisaab fasalka shanaad. Maria, Andreas, Alan, Selma, Lin iyo Daniel waxa ay fadhiyaan meeriska miiska waxa ayna la hadlayaan barahoodii.

Maanta, barihii baa yiri, waxaan ka hadli doonaa shaxanada joomateriga. Maxaa maskaxdiina ku soo dhacaya marka aad maqashaan shaxanno joomateri?

Ardayda qaar badan oo ka mid ah baa jawaabay.

Saddexagallo, baa Andreas ku jawaabay.

Afargeeslayaal, laydiyo iyo labojibbaaranayaal, baa Maria ku jawaabtay.

Waxa jira mid la yiraahdo barbaroole, ayay Selma la tahay.

Iyo goobooyin, baa Daniel yiri.

Waa sax. Shaxanno magacyadood weeye marka xisaab la baranayo. Qaar kale oo badan baa jira, balse kuwan baan ka hadli doonaa maanta, baa barihii yiri waxanu la soo baxay xaashi iyo qalinqori