» Tiro iyo aljebra » Jajab

Jajab

-Waxa aan maanta ka hadlaynaa tiro kale, ayaa barihii yiri.

matte_brøk-01

Wuxuuna sabuuradda ku qorayaa:\(\frac{1}{2}\).

– Waa badh, ayaa Selma tiri.

– Jajab, ayaa Alan yiri.

– Miyaan loogu yeerin laba meelood meel? Ayaa Daniel yiri.

– Waxa loogu yeeri karaa laba meelood meel ama badh, baa barihii yiri.

Barihii waxa uu sabuuradda ku sawiray goobo.- Tani waa biiso, buu yiri. – Haddii aad qaybisaan oo laba dhinac oo isle’eg heshaan, qayb intee le’eg baa midkiinba helayaa?

– Badh, baa Alan dhaqso u yiri.

– Haddii aad badh qaadatid , wax badani uma soo harayaan kuwa kale, baa barihii yiri.

matte_brøk-02

– May, Alan, ma fiicna sidaasi, aaya Maria tiri.- Midkasta oo inaga mid ahi wuxuu helayaa lix meelood meel.

Alan waa qoslayaa.- Gaajo tiinna ka badan baa i haysa, sidaas darteed waxa aan u baahnahay inta ugu badan.Barihii baa soo saaraya sanduuq ay ku jiraan goobooyin midabyo kala duwan leh. Goobo kastaana waa sii qaybsan tahay. Arday kastaa hal goobo ayuu qaadanayaa, waxa aannu eegayaa inta qaybood ay u qaybsan tahay.

– Dhammaan qaybahaygu waa isle’eg yihiin, ayaa Lin tiri.
– Qaybuhu mar walba waa isle’eg yihiin, ayaa barihii yiri.- Imisa qaybood baa ku jira goobadaada, buu weydiiyey.
– Afar qaybood, ayaa Lin ku jawaabtay. – Markaa qaybkastaa waa afar meelood meel.
– Waa sax, baa barihii ku jawaabay. – maxaa la yiraahdaa qaybtaada, Andreas?

– Waa shan meelood meel, buu ku jawaabay.

matte_brøk-031– Sidee baan u qornaa shan meelood meel? Selma ayaa weydiisay.

– Waan aqaan, ayaa Maria tiri. Sabuuradda ayay aadaysaa oo ku qoraysaa \(\frac{1}{5}\).

– Maxay tirada 1 inoo sheegaysaa? barihii baa weydiiyey.

– Waa inay tahay hal meel baan haysanaa, Alan baa yiri.

– Tirada kore ee jajab waxan la yiraahdaa sarrreeye, ayaa barihii yiri. Waxa ay inoo sheegaysaa inta qaybood ee aan haysanno.

– Tirada hoos ku taalna waxa la yiraahdaa hooseeye, ayaa Maria tiri.

– Waxa ay inoo sheegaysaa qaybaha aan haysanno, imisa qaybood baan u baahannahay si aan goobo dhamaystiran u helno, ayaa barihii yiri.

– Xarriiqda waxaa la yiraahdaa xarriiqda jajabka, ayaa Daniel yiri.

maur02 (1)– Maanta waxaan xiisadda ku gebagebaynaynaa in aan qaybinno shukulaato, barihii baa yiri.
– Shukulaatadani waxay ka samaysan tahay toban afargees.

– Markaa afargees kastaa waa toban meelood meel, ayaa Maria tiri.

– Barihii baa sabuuradda ku qoraya: \(\frac{1}{10}\). Arday kasta waxa uu siinayaa hal afargees. Qayb intee le’eg baan qaybiyey, ayuu weydiiyey.

– Waxa aad qaybisay tobankii meel lix, ayaa Lin tiri.

Barihii baa weydiinaya in qof sabuuradda ku qori karo xisaabta ay maskaxda ka xisaabisay Lin. Andreas baa sabuuradda aaday oo ku qoray: \(\frac{1}{10} + \frac{1}{10} + \frac{1}{10} + \frac{1}{10} + \frac{1}{10} + \frac{1}{10} = \frac{6}{10} \)

– Waxa aan aqaan xisaab kale, aya Selma tiri. Sabuuradda ayay aadaysay oo ku qoraysaa \(\frac{10}{10} – \frac{6}{10} = \frac{4}{10}\).

– Waxa aad haysataa afar tobneed oo shukulaatada ah, ayay baraha ku tiri.

– Haa, baa barihii yiri, – afar tobneedka aniga ayaa u haynaya markale oo aad sida manta oo kale xariifiin u tihiin. Tobneedka aad haysataan waa cuni kartaan. Waa shaqaysateen.