» Joomateri » Saddexagallo

Saddexagallo

Macalimaddii baa su’aal cusub weydiisay ardaydii:
– Shaxankee ayaa geeso ka yar leh afargeesle.

 

– Waa saddexagal, baa Andreas ku jawaabay.

– Ka warran labageesle, ayaa Daniel weydiiyay, ma jiro miyaa?

– Maay, baa Andreas si wallaac ah u yiri, u malayn maayo.

– Xoogaa ka fekera, bay tiri macalimaddii intay ilko caddeysay.

Waxa ay siisay Selma xaashi, qalinqori iyo mastarad. – Ma sawiri kartaa saddexagal? Bay weydiisay.

Selma waa sawirtay, kaddibna Alan bay siisay xaashidii.

–  Alan waa markaagii, baa macalimaddii tiri. Ma sawiri kartaa saddexagal ka duwan kan Selma sawirtay?

Alan waa sawiray, laakiin saddexagalkiisu wax badan kama duwana ka Selma sawirtay.

– Kan waa hummaag marka loo eego kii hore, baa Lin tiri.

29

Ma sawiri kartaa saddexagal, Maria? Macallimaddii baa weydiisay, Maria ayaa sawirtay saddexagal fiican.

Sidee weeye dhinacyada iyo xaglaha saddexagalkani? Macallimadda su’aalo cusub bay marwalba weydiinaysay.

– Labada hummaagga isu ahi ugu yaraan waa qummanayaal! Selma waa hubtaa.

– Kan weyn ee Maria samaysay waxa uu leeyahay saddex xaglood oo fiiqan, ayaa Alan yiri. Xagluhuna aad bay isugu eg yihiin.

– Dhinacyadana waxaa moodaa in ay is dherer le’eg yihiin, ayaa Daniel yiri.

Maria ayaa hoos ugu tiri Selma in ay sidaasi tahay sida ay rabtay.

30

– Waa markaygii in aan sawiro, ayaa Alan dhahay.

– Wax yar sug, baa macallimaddii tiri, hadda waxa ku samayn doontaan saddexagallo loox-musbaarka. Isku daya in aad qaar kala duwan samaysaan.

Ardaydii waxa ay billaabayaan cinjir iyo loox-musbaar in ay ku sameeyaan saddexagallo kala duwan.

Muddo kaddib baa macallimaddii weydiinaysaa:-ma ka soo saari kartaan saddexagallo qumman saddexagallada aad sawirteen?

spikerbrett

Salma waxa ay la tahay in kuwa xagasha qumman leh ay yihiin saddexagallo qumman. Qof kasta waxa uu ka raadiyay looxiisa, waxa ayna ka heleen qaar badan oo qumman.

-Layliga ku xigaa halka ayuu ku yaal. Macallimaddii baa ka dhexgelaysa. -Isku daya in aad soo saartaan saddexagallo isle’ekayaal (siman).

Taas waa ka adagtahay tii hore. Dhammaan waxa ay ka raadinayaan loox-musbaarradoodii, laakiin waxa kelia ay soo helayaan saddexagalkii weynaa ay Maria xaashida ku sawirtay.

Laguma samayn karo loox-musbaarka saddexagal isle’eke? Andreas baa weydiiyay.

-Waxaan sameeyay mid laba dhinac isle’eg iyo dhinac ka yar gaaban! Ayay Selma tiri intaanu hadalkii dhamaystirin.

-Aniguna sidaas oo kale, baa Andreas ku jawaabay.

_Maxaa lagu magcaaba saddexagallada noocan ah, ayaa Lin weydiisay.

-Waxaa la yiraahdaa saddexagal labaale, ayaa macallimaddi ku jawaabatay.

-Haa, dhab ahaantii laba dhinac oo is le’eg baa ku taagan sagxad, ayaa Lin tidhi.

-Saddexagalkani waxa uu leeyahay xagal furan, Alan baa yiri,waxa uu farta ku fiiqay saddexagal dhuuban  oo dheer oo geeska kagayaal loox-musbaarkiisa.

– Waxaa jira saddexagallo badan oo kala duwan oo kama dhammaanayno haddii maanta oo dhan aan sawirno! Lin baa sidaa ku andacootay. Ardayda intoodii kale waa yara fekereen kaddibna waa ku waafaqeen.