Ku soo dhowoow!

matte_illustrasjon

Shanta cutub ee xisaabta waxaad ku baranaysaa:

TIRO IYO ALJEBRA
Weligood tirooyinku ma sidan bay u ekaayeen?
Waa maxay farqiga u dhexeeya tiro iyo lambar?
Weli ma ka fekertay in 0 yahay tiro gaar ah?
Ma ogtahay in qiimaha lambarradu ay ku xidhantahay  rugta ay tirada kaga yaalliin?

Su’aalahani waa qaar ka mid ah kuwa aad waxka baranaysid markaad qoraalkan ka shaqaysid.

JOOMATERI
Qoraalkan waxaad ka baranaysaa jaantusyada joomateriga. Waxaad wax kasii baranaysaa astaamaha jaantusyada kala gedisani leeyihiin.

ISUGEYN IYO KALAGOYN
Ma ku fiicantahay inaad maskaxda wax ka xisaabisid?
Ma si kala duwan baa u xisaabisaa markaad maskaxda ka xisaabinaysid iyo markaad warqad ku xisaabinaysid?
Goorma ayay fiicantahay inaad kalkulaytar isticmaashid?
Goormaad tirooyin isku dartaa, goormaadse kala jartaa?

Qoraalkan waxaad ka baranaysaa siyaabaha kala duwan ee aad uga shaqayn kartid isugeyn iyo kalagoyn.

ISKUDHUFASHO IYO ISUQAYBIN
I denne teksten kan du lære mer om å bruke multiplikasjon og divisjon i praktiske sammenhenger.

Qoraalkan waxaad ka baranaysaa sida iskudhufasho iyo isuqaybin loogu adeegsado waxyaalo nololmaalmeedka la xiriira.

Qoraalku wuxuu ku siinayaa tusaalayaal sida u fekeri kartid oo u xisaabin kartid. Laylisyada waxaad ku tababaran kartaa iskudhufashada, waxaadna ka baranaysayaa habab aad u adeegsan kartid sida la isugu dhufto iyo sida la isugu qaybiyo tirooyin lambarro badan ka kooban.

TIROKOOB IYO WAQTI
Qoraalkan wxaad ka baranaysaa tirokoob. Waxaad ka baranaysaa sida aad warbixin/xog aad u soo ururin lahayd iyo sidaad u habayn lahayd xogta. Waxaa kale oo aad ka baran kartaa sida aad u bandhigi lahayd xogta si ay u muujiyaan wax ka badan soo ururin keliya.

Waxaa kale oo ka baran kartaa waqtiga iyo halbeegyada waqtiga.