» Tiro iyo aljebra » Lambar

Lambar

– Farqi baa u dhexeeya tiro iyo lambar, barihii baa yiri. – Qofkiina ma ogyahay farqigaasi waxa uu yahay?
Ardaydii ma jawaabayaan. Tan ma hubaan.
Barihii baa sabuuradda ku qoray: 1342

matte_siffer-01

– Kun, saddex boqol, iyo afartan iyo laba, ayaa Andreas akhriyey.
– Waa tiro, ayaa barihii yiri, -balse imisa lambar weeye?
– Afar lambar, ayaa Maria ku jawaabtay.
– Lambar, imisa tiro ayaa tiro ku jira camal miyaa? Selma baa ka fekertey.
– Tusaale ahaan hal milyan, toddoba lambar baa ku jira, ayaa Andreas la tahay.
– Barihii baa sii weydiiyey: – Imisa lambar oo kala duwan ayaa ku jira habdhiska tiradeena?

 

 

Ardaydii waa ka fekereen.
– Sagaal, baa Daniel ku jawaabay.
– Qiyaastii waa sax, baa barihii ku jawaabay.
– Toban! Baa Maria ka soo yeedhay.
matte_siffer-02– Kuwee weeye markaa?
– Waa in ay tahay 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, 9 iyo…, Lin waa walaacaysaa. – Ma aha 10. – Markaa kan ugu dambeeyaa waa inuu noqdaa 0, bay tiri.
– Waa sax, baa barihii yiri. Waa kuwaa lambaradeenu, kuwaas ayaan ka samayn karnaa tiro kasta oo adduunka ka jirta.
– Waa wax aan xad lahayn, Alan waa sidii qof riyoonaya oo kale. – Tiro kasta oo jiri karta, waa wax badan, taasi.
– Waa wax xiiso badan inay suurtogal tahay in toban lambar keliya laga sameeyo tirooyin aan xad lahayn.