» Joomateri » Nashqad

Nashqad

– Maxay idinla tahay in aan shaxannada joomateriga u adeegsan karno nolol maalmeedkeena? Ayaa macallimaddii weydiisay.

36

– Waxa aan arkay nashqado qurux badan oo laga sameeyey shaxanno joomateri, ayaa Selma tiri.

– Waa sax, baa macallimaddii tiri. – Fiiriya sawirkan, bay tiri.

– Hadda waxaa dooran kartaan hal shaxan oo ku jira nashqadda, kaddib waxa aad raadisaan in aad shaxankaa ka soo saartid meel kale oo nashqadda ka mid ah. Isku day in aad ogaatid sida uu u yaallo oo isbarbar dhig shaxanka labada meelood uu ku yaallo.

Ardaydii waxa ay doorteen shaxanno, waxa ay ka soo heleen isla shaxankii meello kale oo nashqadda ka mid ah.

Wada hadalkan dheer ee ku saabsan qaababka kaddib waxa ardaydii laylis loogu diray in ay nashqad sawiraan. Mid kasta waxa uu doortay dhowr shaxan oo fudud. Shaxannadan waxa ay samayn karaan hummaaggooda, waa ay durkin karaan ama wareejin karaan, iyo weliba waxa ay adeegsan karaan wanqar si xuduud ugu sameeyaan nashqadda.

monster1

monster2

monster3