Hubin

Hadda waxay soo wadanayaan gaarigacankii adeegga (handlevogn) oo ay ka buuxinayaan waxay go’aansdeen. Maqalka markay soo gaadheen way faraxsanaayeen. Bal ka warran haddii ay khalad xisaabiyeen!

handlevogn3

– Haddii aan kalkuleetar soo qaadan lahayn hadda waa hubin lahayn jawaabteena, ayaa Daniel yiri.

– Maqalku waa sida kalkuleetarka oo kale, ayay la tahay Lin. – Weliba tirada wuxuu toos uga akhriyayaa alaabta oo markaa kama cabsanayno in maqalhayuhu khalad sameeyo.

– Khalad waa dhici karaa, ayaa Selma tidhi. – Waxaa ku qornaan kara alaabta qiime ka duwan kan maqalku akhriyayo.

Markay lacagta dhiibayeen, waxay arkeen in xisaabtay soo xisaabiyeen sax ahayd. Waxay isku waafaqeen in ay sax ahayd in ay hore u soo qiyaaseen. Tan ayaa keentay in ka badbaadeen lacagta oo kayar inay maqalka yimaadaan.

Maalintaas markay dugsiga dhammeeyeen ayay isugu yimaadeen guriga Maria. Waxay kawada shaqaynayeen siday biisada u samayn lahayeen oo miiska u dhigi lahaayeen. Iyaga oo gaajoonayana oo aad u isugu qanacsan ayay u fadhiisteen cunnadii.