» Soo bandhigid xog, kala soocid

Soo bandhigid xog, kala soocid

– Ma jiraa qof ku adeegsaday kambayuutarka barnaamijka ‘regneark’? macallinkii baa weydiiyey.

– Ma kan u eg sida tuseha baa? Lin baa weydiisay. Markaas baa macallinkii madaxa ruxay oo sii wadday: -Waxaan arkay marka hooyo xisaabinayso iyo markay samaynayso xisaabaadka.

– Waxaan adeegsanaynaa barnaamijka ‘regneark’ si aan u soo bandhigno xogteena, macallinkii ayaa yidhi. – Waxaan adeegsanayna laba kombayuutar, markaa saddex kastaa hal kombayuutar bay isticmaali oo is caawin doonaan.

Wiilashii hal kambayuutar bay isugu tageen, gabdhihiina mid kale. Barnaamijka ‘regneark’ bay markiiba soo saareen.

– Waa siday Lin u sheegtay oo tuse buu u egyahay, ayaa Alan yidhi. – Kuwa dhinac u soconaya oo dhan tiro ayaa ku taal, kuwa hoos u socanayana waxa ku yaal xarfo. Way sahlan tahay in la arko meesha aan wax ku qorayno.

– Waxaan ku magcownaa kuwa dhinac u socda dhinactax kuwa hoos u socdana joogutax, baa macallinkii ugu sharaxay, – dhammaan badadka dhinactaxyadu iyo joogutaxyada waxay leeyihiin magacyo, A1, B1, B2, iyo wax la mid ah. Hadda waxaan idiin sheegayaa waxaad samaynaysaan, waana arkaynaa waxa inoo suurogala.

Macallinkii ayaa tilmaan-bixin siinaya, islamarkiibana tuse ayaa diyaara.

– Hadda barnaamijka ‘regneark’ ayaa inoo kala soocaya xogteena, baa macallinkii yiri.
– Calaamadee tuseha aad rabtid in la kala soocayo oo dooro Sorter og filtrer xarriiqda qalabka (verktøylinje). Dooro Egendefinert sortering, oo dooro joogutaxa la kala soocayo. Ugu dambayn dooro rekkefølge Minst til størst.

sorter_so

Ardaydu sidii macallinku u sheegay bay sameeyeen –sidan buu tusuhu u egyahay:

so_sortert