» Isugeyn iyo kalagoyn » Si hubaal ah u xisaabin

Si hubaal ah u xisaabin

Xisaab cusub bay fureen.

096Waxay ilaaliyeen in kowaad oo dhami is hoosyaallaan, tobnaad oo dhammi is hoosyaallaan, iyo in sidaas oo kale tobneed iyo boqleed ahaadaan. Waa in wax badan la ilaaliyaa marka la xisaabinayo jajab tobanle!

– Waxa hadda aynu samaynayno waxa la yiraahdaa isugeyn! Alan baa yiri, waxa uu ku faraxsan yahay in uu yaqanno taas.

– Ma taqaan waxa la yiraahda marka an ka jarayno? Andreas baa weydiiyey.

– Waxaa la dhahaa kalagoyn, Alan baa dhaqso ugu jawabay.

Marka hore boqleedyada bay isku dareen, ka dibna tobneedyada, koowaaddada, ugu dambayntiina tobnaadyada.

Jawaabta ay heleen waa 181,90 kr.

– Waa inaan bixinnaa 182 kr. Waa innagu yartahay! baa Alan yiri. – Maxaan ka yeelaynaa taa?

– Lacagyar baan jeebka ku hayaa, baa Andreas yiri. Waa baadhay oo waxa uu helay 21 kr.

– Waxaan hayaa 17 kr, baa Selma tiri.

– 21 kr oo loo geeyey 17 kr. Markaa waxaan haysannaa 38 kr oo dheeraad ah, baa Lin tiri. Iyadu dhaqso bay maskaxda uga xisaabisaa. Waxay ka doodeen sidii ay u xisaabin lahaayeen in ay ku filan tahay. Waxay isku waafaqeen in ay ogaanayaan haddii ay kala jaraan.

– Waa in aan xisaabinaa 182 laga jaray 150 kr, oo aan eegnaa in ay ka yar tahay 38kr, buu yiri Andreas.

– Waxay qoreen xisaabtii. Halakan waxay aad uga fiirsadeen in ay isku aadiyaan lambarada.

– Jawaabtu waxay noqonaysaa 32 kr, taasina waa ka yartahay 38 kr.