» Tirokoob iyo Itimaal » Xog ururin

Xog ururin

Markii ay ardaydu yimaadeen dugsiga maalintii xigtay waxay ugu yimaadeen laba foom oo derbiga ku dheggan halkaas oo magacyadoodu ku qornaayeen, oo meelana u bannaannaayeen xogtii ay soo ururiyeen. Markii dhammaan la wada buuxiyeyna sidan bay u ekaayeen foomamku:

– Shaqo fiican, baa macallinkii yidhi,. – Hadda  xogtiinii oo dhan baa lagu qoray laba tuse. Hadda waa inaan fiirinaa waxaan sii samayn karayno. Qof wax ra’yi ah haya?

– Tirooyinka waxaan u qori karnaa siday u kala weyn yihiin, ayaa Andreas yidhi. –Markaa waxaan arkaynaa qofka waqtiga u badan iyo kan waqtiga ugu yar ay ku qaadato, iyo qofka aan marka ugu horreysa soo casuumi karno.

– Waxa laga yaaba inaan si kale u sawiri karno, ayey Selma soo jeedisay.

– Maalmaha waxaan u beddeli karnaa toddobaadyo, Daniel baa yidhi. –Markaa waxaan ku xisaabinaynaa tirooyin ka yaryar, waxayna sahlaysaa fahanka.

– Kuwan ma loo adeegsan karaa kambayuutar? Alan ayaa weydiiyey.

– Waa loo adeegsan karaa, ayuu macallinkii ku jawaabay. Waxyaalaha uu kambayuutarku ku wanaagsanyahay waxa ka mida shaqadan oo kale si ka dhaqso badan sidaan u samayn karno ayuu u sameeyaa.Waxa muhiim ah inaan naqaan waxaan rabno in kambayuutarku inoo samaynayo.