» Tiro iyo aljebra » Qiime-rugeedka

Qiime-rugeedka

– Waxa jira hal tiro oo aan lagu qori karin tirada Roomaanka. Kee ayaad u malaynaysaan in uu yahay?
Hadda waa in ardaydu ka jawaabaan markale.

matte_plassverdi_01

-Waa in ay tahay eber, Lin bay la tahay.

-Waa sax taasi, barihii baa yiri. –Adeegsiga 0 ayaa ka dhigay habdhiska tiradeena mid aad uga duwan kuwa kale. Intaas waxaa dheer in aan ka samayn karno tiro kasta tobanka lambar ee kale duwan.

Barihii baa la soo baxaya xaashi iyo qalinqori.

-Halkan waxaan ku hayaa xaashi god looga sameeyey tiro kasta tirooyinkeena.

Haddii aan ku dhigo tirada laba halkan ay ku taal kumanyaal, waxaa ogaanaysaan in ay macnaheedu tahay in aan haysanno laba kun. Tusahan la’aantii waa in aan wax ku qoraa godadka(rugaha) boqlaadka, tobanaadka iyo koowaadka. Waa ognahay lambarka ku yaal godka (rugta) afraad marka dhinaca midig laga tiriyo in uu inoo sheegayo inta kun ee aynu haysanno.

Maria waa danaynaysaa: – Haddii ay laba inoo taal rugta boqolka, oo ay shan inoo taal rugta kowaadka, in aan qorno weeye eber tobnaad inaan haysanno, haddii kale waxa ay noqon labaatan iyo shan keliya, bay tiri.

– Waynu naqaan kowaad, tobnaad, boqlaad iyo kumaad, Selma baa tiri.

– Kama aynu hadlin bilyanada, balse waa sidaas oo kale, Andreas baa yiri.