» Isku dhufasho iyo qaybin

Isku dhufasho iyo qaybin

maur06

– Waxa la idiin oggolaaday inaad fasalka rinjidaan, baa macallinkii yiri. – Waxay ila tahay in midabada fasalku qaar murugo leh yihiin. Waxaan u baahanahay iftiin iyo farxad inay inagu wareegsan tahay. Ardaydu markiiba waxay bilaabeen inay ka doodaan.

– Waxay ila tahay in aan rinji guduud ah marinno fasalka, baa Daniel yiri.

– May, basali, bay Selma ku dhawaaqday.

– Joojiya bal, baa macallinkii yiri, – waa in aynu tan si fiican u samaynaa. Waxa uu markaa soo saaray warqad midabyo kala duwan  oo ay kala dooran karaan ku yaalliin.

Waxay isku raaceen in fasalka ku rinjiyaan midab diirran oo jaalle (huruudi) khafiif ah, khaanad iyo kuraasta dhaadheerna waxay ku rinjiyeeynayaan cagaar.

– Ma jiraa qof garanaya rinji intee le’eg baynu u baahan nahay? Macallinkii baa weydiiyey.

– Laba qasacaddood oo jaalle ah iyo qasacad cagaar ah, baa Lin soo jeedisay.

– May, waxaan u baahan nahay intaa in ka badan, bay Selma la tahay.

– Ma la xisaabin karaa? Andreas baa is weydiiyey.