» Isku dhufasho iyo qaybin » Cabbiraad iyo qiyaasid xisaabta

Cabbiraad iyo qiyaasid xisaabta

Ardaydii waa fadhiisteen. Waxay bilaabeen inay ka dooddaan siday wax u samayn laheeyeen.

 

– Waa in aan cabbirnaa dhererka derbiyada, ayaa Selma tiri.

– Iyo jooggoodu intuu yahay, baa Daniel ku daray.

– Markaa waa in aan isku dhufanaa dhererka iyo joogga , Maria ayaa xasuusatay.

– U malaynmaayo in aan hadda u baahanahay sentimitirada, baa Andreas yiri. – Waxaan u baahanahay jawaab u dhow ta saxda ah, looma baahna jawaab sugan.

– Waxaan u malaynayaa inay fiican tahay in aan u duubno kow iyo badh mitir, bay Lin tiri. – Muhiim ma aha inay itaa ka sugan tahay, waxaana inoo sahlanaanaya xisaabinta.

– Ma rinjiyeynayno albaabada iyo daaqadaha, Alan baa yiri.

– Waa in aan cabbirnaa iyagana, baa Daniel yiri. – Markaa aan ka goynaa bedka.

Sidaas bay ku bilaabeen cabbiraaddii. Waxay u shaqeeyeen labo labo oo markiiba soo saareen cabbiraadihii ay u baahnaayeen. Waxaa ugu adkaa in joogga derbiga la cabbirro, balse macallinkii ayaa u keenay sallaan, markaas bay xalliyeen taana.

– Waxay ila tahay in aan sawirno derbiyada oo cabbirkoodii wata, sababtoo ah waxay u egtahay in ay ugu yaraan ay xisaabinta cabbiraaddu fududaanayso, baa Alan yiri.

Lin baa keentay xaashi weyn, markay dhammeeyeen, natiijadii sidan bay ahayd: multi04

Hawsha xisaabinta bay qaybsadeen.

– Derbiyada gaagaaban midkiiba waa 15 m2, ayaa Daniel yiri.

– Kuwa dhaadheerna midkiiba waa 19,5 m2, bay Selma tidhi.

– Albaabku waa 1,8 m2, ayaa Maria tiri.

– Daaqadduhuna waa 8 m2 marka laysku daro, baa Alan yiri.

– Haddii aan duubno waxaan oran karnaa derbiyada dhaadheeri qiyaastii waa 20 m2 albaabkuna qiyaastii waa 2 m2, ayaa Lin tiri.

– Bedka aan rinjiyeynaynaa waxa uu noqonayaa qiyaastii 70 m2 laga gooyey 10 m2, bay la tahay Andreas. – Waxaan qiyaastii rinjiyeynaynaa 60 m2.