Bed

– Hadda waxa u imanaynaa xisaabta shaqadan, ayaa macallinkii yiri. Waxaa cad in wax la xisaabinayo. Eeg khariiradda midabaysan. Halkan waxaa ku qoran in 12 mitirkii labajibbaarranba loo baahan yahay hal litir oo rinji ah. Ma garanaysaan waxa macanaheedu yahay?

– Uma malaynayo in aan 12 mitir ku rinjiyeyn karno rinjiga daasadda ku jira.

– Labajibbaar, waxa weeye oogo (flate). Markaa waa in aan cabbirnaa bedka, baan u malaynayaa, bay Maria tiri.

– Selma ayaa istaagtay. – Waan aqaan waxa labajibbaar, aabbahay baa shalay i tusay. Hadda hal mitir baan dhinac ugu dhaqaaqayaa. Markaas baan rubuc-saac oo kale u wareegayaa. Hal mitir ayaan u dhaqaaqayaa dhinacan, oo haddana soo leexanayaa, hal mitir u dhaqaaqayaa dhinacan, oo soo leexanayaa markale. Markaan hal mitir oo kale socdo waxaan ku soo laabanayaa meeshii aan ka dhaqaaqay. Waxaan markaa socday hal mitir oo labajibbaaran.

– Ma rinjiyeeyno dhulka, waxaan rinjiyaynaa derbiyada! Daniel baa ka yidhi.

– Waa isku mid xisaabtu haddaan dhulka rinjiyeeyno iyo haddii aan derbiyada rinjiyeeyno. Labaduba waa oogo siman, ayay la tahay Lin.