» Tiro iyo aljebra » Ereyada muhiimka ah

Ereyada muhiimka ah

ordliste_illustrasjon

Tiro = tall – Halkan waxaan ku baranay tirooyin ku yaal xarriiq tiro.

Lambar = siffer –  tirooyinkeenu waxay ka kooban yihiin 10 lambar 0,1, 2 , 3, 4 , 5, 6 , 7, 8 , 9.

Habdhis tiro = tallsystem – hababka kala duwan oo wax loo tiriyo ayaa la adeegsan jirey weligeed meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah.

Qiime rugeed = plassverdi-system –  qaab tiro oo lambarada rugta ay ku yaalliin inoo sheegayso qiimahiisa. Tusaale ahaan 256 waxa u taagan tahay 2 boqlaad, 5 tobnaad iyo 6 koowaad.

Kumaad, boqlaad, tobnaad, koowaad, tobneed, iyo boqleed –  rugaha ama godadka qiime rugeedkeena.

Jajab tobanle = desimaltall – tiro ay ku jirto wax ka yar hal, sida tobneed iyo boqleed iwm.

Garaam, hektogaraam iyo kiilogaraam – halbeegyada culayska. Hal hektogaraam (suuqdiga lagu yiraahdo hekto) waa boqol garaam. Hal kiiloogaraam (suuqdiga lagu yiraahdo kiiloo) waa kun garaam.

Millimitir, sentimitir, diisimitir, mitir – halbeegyada dhererka. Hal mitir waxa weeye 10 diisimitir, – boqol sentimitir, -kun millimitir.

Abyoonayaasha taban = negative tall – tirooyinka ka yar 0.

Jajab = brøk – tiro u taagan qayb tiro buuxda, tusaale: \(\frac{1}{2}\), \(\frac{2}{3}\).

Sarreeye = teller – tirada ka sarreysa xarriiqda jajabka. Waxa u taagan tahay inta qaybood aan haysanno.

Hooseeye = nevner –  tirada ka hooseeysa xarriiqda jajabka. Waxay sheegaysa qayb noocee ah baan haysanaa.

Xarriiqda jajabka = brøkstrek –  xarriiqda u dhexaysa sarreeyaha iyo hooseeyaha jajabka.