Ku soo dhowoow!

Samfunnsfag 5.klasse

samfunnsfag_illustrasjon

Halkan waxaa ka helaysaa waxaad u baahantahay si aad sida ugu fiican uga faa’iidaysatid shanta mawduuc ee cilmiga bulshada ee aan kuu soo xulnay.

1. Dooro mawduuca aad rabtid

2. Akhri qoraalka, eeg sawirrada oo samee laylisyada ku yaal halka bogga u hooseeysa. Kaydka sawirrada (bildearkiv) waxaad ka helaysaa sawirro badan oo qoraal kuu faahfaahinayaa la socdo. Mararka qaarkood waxaad daawan karaysaa fiidyow ama sawirro soconaya (animasjoner).

3. Waxaad dhaqso u ogaanaysaa in mawduuc kastaa u qaybsamayo mawduuc hoosaadyo yaryar. Waxaad ka dooranaysaa midkaa rabto liiska laalaada «rullegardinen». Ka billaw midka u sarreeya oo hoos uga sii soco. Markaad dhammaysid hal mawduuc, u gudub midka xiga.

4. Ma aanad dhammayn mawduuca ilaa aad akhridid qoraalada oo dhan, oo aad ka jawaabtid laylisyada oo dhan. Haddii ay laylisyadu adagyihiin, adeegso qoraalada si aad jawaabaha u heshid.

visstedujente2 5. Sawirkan waxa looga jeedaa inay soo socoto weedho xaqiiqo ah oo la dhaho Ma ogtahay? (Qaar badan oo laylisyada ka mid ah waxay ku xiran yihiin waxa halkan ku yaal, markaa waxa halkan ku qoran aad bay muhiim u tahay)

 

Ereyada qaar baa cusub oo muhiim ah – lagana yaabo inaadan aqoon. Macnahoodu waxaa ka helaysaa liiska ereyada.

Liiska laalaada (rullegardinen) waxaa ku qoran mawduuc la dhaho hoggaanka baraha (lærerressurs). Halkan waxa ku yaal warbixin macallinkaaga u gaar ah, markaa adigu uma baahnid inaad adeegsatid.

Waxaan kuu rajaynayaa inaad shaqada ku guulaysatid!

 

Tilmaanta baraha

Veiledning for læreren