» Tirokoob iyo Itimaal

Tirokoob iyo Itimaal

 

gutt_ipad

– Waxaad tiri maanta waxaan bilaabaynaa mawduuc cusub, baa Daniel yiri markay ku soo dhawaatay gebagebadii maalintaas.
– Hadda guryihii ayaan dhaqso u tegaynaa, adiguna waxba weli kamaad odhan wuxuu yahay.

– Waa sax, macallinkii ayaa ku jawaabay. – Aad bay u fiican tahay inaad xasuusatay. Waxaan bilaabi doonaa inaan ka shaqayno xog. Ma ogtihiin waxay xog tahay?

– Kambayuutar ayaan isticmaalaynaa markaa, Lin baa ku riyaaqday. – Waxay ila tahay inay xiiso leedahay.

– Waa dhici kartaa inaan kambayuutar isticmaalno, ayaa macallinkii ku jawaabay, laakiinse marka hore waxaan waxyar ka baranaynaa waxay xogi tahay. Xogtu runtii waa warbixin aan soo ururinay, oo aan u adeegsanno siyaabo kala duwan. Kambayuutar waa inna anfici karaa marka aan xog soo ururinayno, balse xog waa laga shaqayn karaa iyada oo aan la adeegsan kambayuutar.

– Ma waxaad uga jeeddaa tusaale ahaan haddii aan tiriyo inaan toddobo halkan ku joogno, lix carruur ah iyo qof weyn,  markaa xog baan soo ururiyey? Maria baa weydiisay.

– Waa sax, baa macallinkii ku jawaabay waana sii waday: – Sida badan xog soo ururintu kuma filna. Si aan u fahamno waxa xogtu inoo sheegayso waa inaynu sida caadada ah habaynaa xogta, oo raadinaa sidaan u soo bandhigi lahayn. Sidaas bay innaga iyo dadka kaleba warbixin ka badan inoo sheegaysaa haddaan xog keliya soo ururin lahayn. Laba laylis ayaan idin siinayaa oo kala ah inaad soo ogaataan inta maalmood ee ka dhiman maalmaha aad dhalateen, iyo inaad soo cabbirtaan waqtiga aad guriga iyo dugsiga u kala socotaan subaxdii.