» Joomateri » Goobooyin

Goobooyin

– Waxaan ilaa hadda ka hadalnay afargeeslayaal iyo saddexagallo. Waxaa ku billawnay in aan xusno saddex shaxan oo kala duwan. Ma xasuusataan shaxanka u dambeeyey waxa lagu magcaabo, Daniel?
Macallimaddii baa sabuuradda ku sawirtay.

32

– Waa wax wareegsan, buu dhaqso u yiri Daniel.

Goobo ayaa la yiraahdaa, Selma ayaa saxday.

– Maxaa kale oo aan ahayn xarriiqda meeriska ayaa lagama maarmaan ah si goobo loo sameeyo? Macallimaddii baa sii weydiisay.

Waxba, ayaa Andreas yiri, haddii aan tirtino xariiqda meeriska wax goobo la yidhaahdo ma haysanno.

– Waa in aan xuddun haysanaa, Maria ayaa tiri. Meel kasta oo ku taal xarriiqda meerisku isku in bay u jirtaa xuddunta.

Daniel waa dhoollo-caddeeyey. Si hoos ah ayuu u oranyaa, isagu in uu isla hadlayo oo kale: – waxa ay noqonaysa in xuddunta laga dhaqaaqo oo xaggaa iyo dhulka la aado.

– Waa in aan goobeeye adeegsano marka aan goobo sawirayno. Wax badan baan sawiray goobo, ayaa Alan yiri.

– Weligiin goobeeye oo kale ma iska dhigteen, ayaa macallimaddii weydiisay.

– Dhammaan waa la qoslay. Goobeeye ma la iska dhigi karaa?

33

-Ka soo qaad in aad bannaanka joogtaan. Lin booskeeda kama dhaqaaqayso. Gacanta waxa ay ku haysaa xarig. Haddii Daniel geeska kale ee xariga qabto, kaddibna giijiyo oo ku calaamadeeyo dhulka jeeso (tabaashiir) isaga oo wareegaysanaya, markaa waxa uu sawirayaa goobo. Lin iyo Daniel waxay iska dhigeen goobeeye.

Haddana dhammaan waa la wada qoslay. Waa run waa la iska dhigi karaa goobeeye. Waa madadaalo fiican.

34

-Maxaa la yiraahdaa xarriiqda xuddunta ka timaada ee xarriiqda meeriska gaarta? Macallinkii baa sii weydiiyay

Gacan! Daniel iyo Alan baa mar wada yiri.

– Oo haddii aan xarriiqda sii jiidno ilaa ay ka gaarayso xarriiqda meeriska dhiniciisa kalena?

– waa dhexroor.

– Dhexroorku waa labalaab dhererka gacanka.

Qof kastaa waxa uu si xiiso leh u rabaa inuu muujiyo waxa uu yaqaan.

Ugu dambayntii waxa ay macallimadu sawirtay xarriiqdii u dambaysay ee dhexmaraysa goobada.

35

– Kani ma dhexroor baa?  Bay weydiisay.

Dhammaan maya baa hal mar la wada yiri.

– Dhexroor ma aha sababtuna waa xuddunta ma marayo, ayaa Maria tiri.