» Joomateri » Tilmaanta Baraha

Tilmaanta Baraha

 

Casharka waxaa loo qoray sidii wadahadal u dhexeeya bare iyo arday. Wadahadalku waxa uu ku saabsan yahay astaamaha shaxannada joomateriga: afargeeslayaal, gaar ahaan labajibbaarane, laydi, saddexxagal iyo barbaroole, saddexxagalada gaar ahaan saddexagal quman, isle’eke iyo labaale, iyo goobooyin. Intaa waxa dheer oo wax yar laga oranayaa wanqar (symmetri), hummaag-muraayad (speiling), wareejin (rotasjon) iyo durkin (forskyving), iyo weliba sida loo adeegsado hummaag-muraayadeed iyo durkin si loo sameeyo nashqad (mønster).

Mawduucani waa mid xag-arag, kaas oo u baahan jaantusyo. Jaantusyada lagu tusay waxa muhiim ah in baraha iyo ardayduba ay ku sawiraan qaabab iyo shaxanno, sabuuradda, kambayuutarka iyo xaashiba. Ardaydu waxa ay ka raadin karaan deegaanka qaabab kala duwan. Waxa kale oo la adeegsan karaa xaashiyo, maqas iyo qaabab-la-soo-jaray (klippeform), ama la waxa la samayn karaa qaabab iyada oo la adeegsanayo ashyaa kale.

Loox-musbaar (spikerbrett) waa qalab faa’iido leh oo loo kaashan karo mawduucyo badan oo xisaabta ka mid ah. Waa soo iibsan kartaa ama waxa laga samayn karaa loox 25-30 sm oo 25 musbaar oo 5cm u dhexayso ka taagan yihiin. Shaxannada waxaa ku samayn kartaa cinjir ama laastiig..

Waa la samayn karaa waxqabadka (aktiviteten) kor ku xusun marka la soo gaaro goobada. Bannaanka inta loo baxo baa carruurtu ‘dheeli’ karaan goobeeye.

 

Xisaab

Joometeri:

Yoolka barashadu waa in ardaygu yaqaanno:

* afaguro astaamaha ay leeyihiin shaxannada laba ama saddex jibbaarane iyo in uu faafaahiyo ashyaada ama walaxyo teknoolojiga iyo kuwa maalin kasta lala kulmo isaga oo adeegsanaya erey-bixin joomateri

* faahfaahiyo oo fuliyo humaag samayn, wareejin iyo barbar-u-durkin

– Farshaxan iyo farsamo-gacmeed Faneed

Isgaadhsiin muuqaal ah (visuell kommunikasjon):

Yoolka barashadu waa in ardaygu yaqaanno:

* adeegsiga isbarbardhig janjeedhka, jiifka iyo joogga jihooyinka oo si fudud loo sameeyey si loo muujiyo indho-sarcaad (illusjon) xasilooni ama dhaqdhaqaaq

Qaabsamays (design):

Yoolka barashadu waa in ardaygu yaqaanno:

* adeegsado qaabab ka kala yimi dhaqanno kala duwan si loo sameeyo dhisme ashyaa quruxeed

Xirfadaha aasaasiga ah:

In la adeegsado xisaab maaddada fan-farshaxan iyo farsamada gacanta waxa ka mid ah adeegsiga shaxanno joomateri oo asaasi ah

Xiriirka u dhexeeya farshaxnimo iyo joomaterigu waa qayb aad u muhiim ah marka laga shaqaynayo qurxinta iyo arkitektiga.