» Isku dhufasho iyo qaybin » Iskudhufasho

Iskudhufasho

– Laakiin sidee baan u xisaabinaynaa? Halkan isugeyn iyo kalagoyn waxay soo kordhinayaan ma jirto, bay Alan la tahay.

– Waan adeegsan karnaa isugeyn iyo kalagoyn, ayay macallinka la tahay.

– Laakiinse marka ugu horreysa wa inaan adeegsannaa iskudhufasho iyo isuqaybin. Ma jiraa qof yaqaan sida loo heli karo bedka laydi?

– Waxay ila tahay in aan dhinac ku dhufanno dhinac kale, ayaa Maria tiri.

– Waa sax, baa macallinkii yiri. – waxaan dhererka dhinac ku dhufanaynaa dhererka dhinac kale. Waxaa ka soo qaadi kartaa in aan haysanno derbi jooggiisu yahay 3 mitir, dherekiisu yahay 4 mitir. Derbigan waxaan u qaybin karnaa labajibbaranayaal.  Dhinactaxa ugu hooseeya waxaa ka samaysmaya afar labajibbaarane, dhererka dhinacu inta mitir uu yahay in le’eg.

multi01

– Waxaan xagga sare ku dhejin karnaa saddex labajibbaarane, dhererka dhinacu inta uu le’eg yahay in le’eg

Macallinku isaga oo sharaxaya ayuu ku sawirayaa sabuuradda.

multi02

– Halkan waxaad uga jeeddaan afar mitir oo lagu dhuftay saddex mitir, ama afar mitir oo labajibbaaran lagu dhuftay saddex. Sidan baan u qori karnaa, ayaa macallinkii yiri oo ku qoray sabuuradda: 4m · 3m =12 m2.

Waa sii waday:- Waxa aad xisaabinaysaan bedka derbiyada qolka