
Twierdzę Akershus zbudowano ponad 700 lat temu dla ochrony przed atakiem od strony morza
Darammen Iyo Saarshboorg iyaguna waa magaalooyin waaweeyn oo ku yaal Oostlaandet.
Buuraha ugu dhaadheer Noorweey Gaalhoobiggen, iyo meelo kale oo buuro dhaadheer iyo beeraha nasashada ayaa iyaguna halkan ku yaalla.
Waxa ku yaala Oostlaande shan dooxo oo balballaaran oo waaweeyn. Qaar badan oo dooxooyinka ka mid ah, ayaa ah dhul aad beerashada ugu fiican. Halkan waxa lagu beeraa badar badan, iyo weliba baradho iyo khudaar. Oostlaande waxa kale oo ku yaalla webiyada ugu waaweeyn iyo dooxooyinka. Meelaha qaar oo Oostlaande ka mid ah waxa ay aad ugu nugul yihiin daad xilliga gu’ga.
Ooslaande waxa kala oo laga helaa kalabar kaymaha Noorwey, in badan oo kaynta ahi waa nooca dhirta miraha leh (bærtrær).
Waxsoosaarka ugu muhiimsan qaybtan waddanku waa wershado iyo ganacsi. Intaas waxa dheer dhul weyn oo dalagga laga beerto oo lagu beerto badar iyo khudaar.
Oostlaande sida caadiga ah waa kulayl xagaaga, jiilaalkana qabaw.
Ma ogtahay ….?
• Ootslaande in ay ku yaalliin siddeed gobol: Ostfoold (Østfold), Hedmaark (Hedmark), Oblaan (Oppland), Buskeruud (Buskerud), Festfoold (Vestfold), Telemaark (Telemark), Akesh-huus (Akershus), Oslo.
• Oslo waxa ku yaal qasriga iyo Istuurtinge (slottet og Stortinget).
• Buurta u dheer Noorweey waxa la dhahaa Gaalhobiggen oo dhererkeedu yahay 2469 m.o.h.
• Beerta nasashada ee ugu weyn ee Noorwey waa Yootenhaymen Jotunheimen.
• Miyoosa waa harada ugu weyn Noorwey.
• Golomma waa webiga ugu dheer Noorwey.
• Toonisbeerg (Tønsberg) waa magaalada ugu da’da weyn Noorwey waxaana la aasaasey 871.
• Kongisbeerg (Kongsberg) waxa ku yaal gododka laga qodo qalinka.
• Lillihamar (Lillehammer) waxa lagu qabtay ciyaaraha Olembikada qaboobaha 1994.
• Meel ay waayeelka iyo da’ yartuba ka helaan waa carwada maaweelada ee Tuusenfiriid
- Stortinget
- Stortinget
- Slottet
- Tusenfryd
- Vigelandsparken
- Vigelandsparken
- Opera
- Akershus
- Nationaltheateret
- Frognersetra
- Akerselva
- Vinter
- Vinter-OL
- Gårder
- Sagbruk
- Papirmølle
- Vannhjul
- Papirfabrikk
- Fabrikkanlegg
- Sølvgruver
- Mjøsa
- Stabbur
- Gudbrandsdalen
- Glomma
- Jotunheimen
- Besseggen
- Flom
- Flom
- Flom