» Bulshada » Sharciyo

Sharciyo

 

Waxa aynu dabcan leenahay xeerrar badan oo qoran. Kuwa ugu muhiimsan xeerrarkan waxa niraahnaa sharciyo. Qofku ciqaab buu mudan karaa haddii uu raaci waayo sharciyadan.

Fiiri sawirradan. Xeerrarkee bay tahay in la raaco si aan tani u dhicin.

loverbil00 (1)

Sharciga waddo maristu waxa uu inoo sheegayaa xeerrarka waddaooyinka. Sharciyadani kuma saabsanana keliya baabuur waddidda, laakiinse waxay khuseeyaan baaskiilka iyo lugeeyayaasha. Maxay yihiin xeerrarka lugeeyayaasha iyo baaskiil wadayaashu? U kuurgal sawirkan hoose oo soo saar dhinaca lugeeyaha iyo baaskiil waduha ay tahay in ay maraan.

stortingetxx

Istuurtinget

Dastuurku waa sharciga ugu muhiimsan ee Noorwey leedahay. Halkan waxa ku yaal xeerrar badan u sheegaya sida ay Noorwey ahaanayso. Dastuurku waxa la dejiyay 1814 (bilde fra Eidsvoll 1814). Sida ay hadda tahay Noorwey waa ka duwantahay sida ay ahayd waagaas. Bulshadeenu waa isbedeshay, markastana waa isbedelaysaa, sidaas daraadeed waa in sharciyada qaarkood la beddello. Istuurtingeha (baalamaanka) ayaa shaqadan qaabilsan.

.

skoleeldre2xx

Sharciga waxbarashadu waa xeerrarka u yaal dugsiyada Noorwey. Waxyaalaha uu sheegayo waxa ka mid ah in carruurta oo dhammi xaq u leeyihiin oo ayna waajib ku tahay in ay dugsiyada dhigtaan. Markii sharcigan la dejiyay 1889, waxa ay ahayd in laga hortago in ilmaha qoyskiisu guriga ku haystaan si uu ilmuhu u shaqeeyo. Lagama maarmaan bay ahayd in ilmuhu dugsiyada dhigtaan.

 Sharciyadu waxa ay isla beddelaan horumarka bulshadu samayso. Berigii hore waxa la isku dayey in dhammaan carruurtu dugsi dhigtaan. Maantase waxa la isku dayaa in ilmuhu dugsiga xiisaynayo, tani waxa markaa lagu daray sharciga. Cutubka 9a ee sharciga waxbarashada waxa uu ka hadlayaa bay’adda ilmuhu wax ku baranayo. Halkan waxa ku qoran waxa ka mid ah in ilmuhu xaq u leeyahay in uu dugsiga dhigto isaga oo aan gaar loo reebayn, la dhibayn, la takoorayn ama gacanta wax looga geysanayn.

Waxa sii dheer sharciga waxbarashada oo dugsi kasta hoos u leeyahay xeerrar u gaar ah. Ma taqaan xeerrarka dugsigaaga? Halkan waxa ku yaal xeerrarka kaladambaynta ee dugsiga Nigoor (Nygård)

Her er ordensregler fra Nygård skole i Bergen

tyvxx

Shaarci kale waa sharciga ciqaabta. Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay ficillada ciqaabta mudan sida tuugada, kharribaadda, iyo gacanka wax ka geysashada.

Qofka qofkale xoog ku muquuniya ama si kale ugu gefa jidhkiisa, ama ka qayb qaata gefka, waxa lagu ciqaabayaa ganaax ama xabsi ilaa 6 bilood ah.” Sharcigan waxaa la qoray 1902, taas ayaa keenaysa in af qaddiim ah ku qoran yahay.

 

 

idee sharciyada iyo xeerrarku ku yimaadaan?

Waxa horey uga hadalnay xeerrarka fasalka. Sidee ayaa loo dejiyay xeerrarkan? Ma kaga doodeen fasalka dhexdiisa mise guddiga fasalka baa xeerrarkan soo gudbiyey? Ma fududeyd? Wiilashu markasta gabdhaha ma ku raacsanayen? Qofkastaa siduu rabay ma helay? Qofna ma tanaasulay? Ma xeerrar badan bay ahaayeen? Xeerrarku ma suran yihiin derbiga fasalkiina si caddayn ahaan.

elever (1)

Sida aad idinkuba u samayseen xeerrarka fasalka, ayaa xeerrar oo intooda badan loo sameeyaa; koox dad ah baa wada fadhiisanaya, wada doodaya oo wada shaqaynaya. Ma sahlana in mar walba wax laysku wada raaco, maadaama dadku kala geddisan yihiin. Mararka qaarkood waxa laga yaaba in hal wax aan si kala duwan u aragno oo hal wax si kala duwan u aaminsanahay, waxaan taa u arki karnaa in adagtahay fahankeedu! Waxa tan keeni kara sababo badan, Hidde kala gedisan, dhaqan kala gedisan, diimo kala gedisan ama deegaan kala gedisan. Laakiinse waa in qof kasta waxa ka tanaasulaa mararka qaarkood, si isna wax looga tanaasulo. Waxa lagama maarmaan ah in la wada shaqeeyo. Kama dambaysta kooxdu way  ku heshiinayaan xeerrarka la qaadanayo, kuwaas ayaanna la qorayaa. Xeerrarka iyo sharciyada qaar waxay qaataan in waqti badan lagu sameeyo.

.Beesha Interneetka iyo garashada Interneetka

internett3 (1)Ma leedahay feysbuug (facebook), Habbo ama Muufistaarbalaanet (Moviestarplanet) Markaa qayb baa ka tahay mid ama inka badan oo beelaha Interneetka.

Interneetka waxaa ku ciyaari kartaa ciyaaro, waxbaa ku akhrisan kartaa, waxyaallo cusub baa ka baran kartaa, sawirro ayaa dadka la wadaagi kartaa iyo weliba waxa aad la hadli kartaa saaxiibadaa. Waxa la hadli kartaa qof meel kale adduunka ka jooga. Waa cajiib!

Waxa ka jira xeerrar sidii aan u dhaqmayno markaan Interneetka ku jirno. Waxa laga yaabaa in aad xeerrarkan dugsiga ku baratay, waxa la dhahaa habdhaqanka interneetka ama xeerrarka garashada ee interneetka.

 Interneetka waxa aan kala hadli karnaa dad aynaan aqoon u lahayn, markaa waxaa lagama maarmaan ah in aad ogaatid in qof kastaa aan run ka sheegin naftiisa. Hubaal uma garan kartid cidda aad la hadlaysid, markaa waa in aad feejignaataa.

Waxa aad warbixin dheeraad ah kak a helaysaa: http://www.dubestemmer.no/

 

Ma ogtahay …..?

  • Noorwey Dastuurkeeda in lagu dejiyay Aydisfool (Eidsvoll) 17 Meey 1814. Waa sababta loo dabbaaldego 17 Meey maalinta qaranka Noorwey.
  • 2014 Dastuurku waxa uu noqonayaa 200 sanno jir.
  • Dastuurka Noorwey waxa uu ka kooban yahay 112 baragaraaf (xeer)
  • Sharciga ciqaabtu waxa uu leeyahay 400 oo xeer.