» Giriiggii hore » Ilaahyada Giriigga

Ilaahyada Giriigga

Det gamle tempelet Parthenon

Macbadka Bartenon ee Atiina waxaaa laga dhisay kur Atiina ku taal waana loo hibeeyey Ilahadda magaalada

Diimaha badankooda  ee bulshada maanta, waxa la aaminsanyahay hal ilaah. Giriigguse waxay aaminsanaayeen ilaahyo badan. Ilaahyadooda ugu doorka rooni waxay degganaayeen samada, balse waxa jiray ilaahayo degganaa godad, buuro iyo webiyaal iyo biyadhacyo. Ilaahyadu waxay ahaayeen ma dhintayaal, balse sidooda kale dadkuun bay la mid ahaayeen. Waxbay jeclaan jireen, waxbay ka masayri jireen, way murmi jireen waana isdagaali jireen, carruurna wa dhali jireen -ilaahyo kale bay ka dhali jireen iyo weliba-dadba. Ilaahyadani aad bay u cadhoon kari jireen, iyagaana go’aamin jiray waxa ku dhacaya dadka. Sidaas darteed waxaa fiicnayd in saaxiib lala yahay ilaahyada. Dadka waxay ilaahyada dartood u bixin jireen miro, badar, iyo xoolo, qaarkood waxaa loo dhisay macbadyo waaweeyn.

zevsxxxx

Giriiggu waxay rumaysnaayeen in ilaahyada ugu muhiimsani degganaayeen buur la odhan jiray Olimbus, oo midka u awood weyn oo u quwad weyni yahay Siyuus. Isaga ayaa xukamayay ilaahyada kale, dadka, oo wuxuu ahaa rabbiga samada iyo onkodka. Marka uu xanaaqo, waxa uu soo diri jiray samada hillaac iyo onkod. Suus waxa uu ahaa aabbaha ama walaal ilaahyada kale. Waxa uu qabay Hiira, oo ahayd ilaahadda guurka.

 

athenexxxx

Atiina, oo Siyuus dhalay, waxay ahayd Atiina badbaadiyaheeda iyo ilaahadda dagaalka, cilmiga iyo beerfalashada. Waxay ka dhalatay foodda Suus, oo markay dhalatayba gaashaanqaad bay ahayd oo qalabkeedu u dhan yahay. Waxay talo siin jirtay ilaahyada kale marka dagaal jiro. Reer Atiina waxay u haysteen inay beertay geedkii ugu horreeyey ee saliid saytuuna, maalinta dhalashadeedana waxa lagu xusi jiray xaflad weyn.

 

afroditaxxAfrodhiit waxay ahayd ilaahadda jacaylka, waxdhalista iyo quruxda. Afrodhiit waa la qabay, laakiin waxay jeclaan jirtay qaar kale, ilaahyo ama rag. Khuraafaadku waxay sheegayaan inay ka dhalatay xumbo hirka badda.

 

 

poseidonxxxx

Busaydun waxa uu ka talin jiray badda. Waxa uu samayn kari jirey duufaanno iyo dhulgariirro markuu xanaaqo, balse waxa kale u samayn kari jiray in mawjaduhu xasilaan. Busaydun wuxuu ahaa Siyuus walaakiis.

 

 

apollonxxxx

Abboollo waxa uu ahaa dhallinyaro qurux badan. Waxa uu ahaa ilaaha heesaha, miyuusigga iyo gabayada. Intaas waxa dheer awood u lahaa dadka inuu xannuun ku rido iyo inuu fayo geliyo.

 

 

artemisxxxx

Artimis, mataanta Abboollo, dabeecadda ayay ku mashquulsanayd waxayna ahayd ilaahadda ugaadhsiga iyo duurjoogta. Si taxadar ah bay u socon jirtey kaynta, leeb iyo qaanso iyo eeyda ugaadhsiga iyada oo wadata.

 

 

hadesxx

Hadiis waxa uu ahaa boqorka mawdka, waxannuu fadhiye jiray qasrigiisa aakhiro. Halkaas waxuu ku haystay eey saddex madax leh oo albaabka ilaalin jiray. Qofna kama soo bixi jirin halkaa.

 

 

medusaxx1Medusa var et skrekkelig uhyre med slanger som hår. Alle som så henne inn i øynene, ble forvandlet til stein. Det var helten Herakles som til slutt tok knekken på henne.

 

 

 

 

 

Medusa

Basaydon baa weeraraya