» Qaybaha dalka

Qaybaha dalka

tittelbilde

Cutubkan waxa aad ka baranaysaa:

  • Magacyada qaybaha dalka
  • Halka qaybaha dalku ku yaalliin
  • Maxaa astaamo u ah qaybaha dalka
  • Magacyada gobollada
  • Qaybta dalka ay gobolladu ku yaalliin

Barashada qaybaha dalka

Fiiri khariirrada kore. Halkee deggan tahay? Riix halka ku aaddan.

Maxaa la yiraahdaa qaybta dalka ee aad deggan tahay?

Inkasta oo Noorweey tahay waddan yar, haddana waa waddan xiiso badan oo dabeecaddiisuna kala duwan tahay.

Noorwey waxa aan u qaybin karnaa shan qaybod. Qaybaha dalka waxa la yiraahdaa Feestlaande, Oostlaande, Soorlaande, Mitnoorge iyo Nuurnoorge.