» Muuqaalka dhulka » Ereyada muhiimka ah

Ereyada muhiimka ah

 ordliste_illustrasjon

Tuuro=folding dhadhaabo asalkoodii sinnaa ayaa hirar yeelanaya oo qaloocsamaya.

Dhulgariir = jordskjelv dhulka ayaa gariiraya oo qarqaraxaya.

Folkaane = vulkan meel ka mid ah qolafta dhulka ayaa god ka furmayaa oo cuf holcayaa ka soo baxayaa ama gaas baa ka soo burqanaya ubacda dhulka.

Waagii barafweyne = istid waa seben dhulku soo maray oo dhul badan uu qariyey baraf dhumuc weyn.

Barafloox = isbre cuf baraf ah oo ka samaysmay baraf xagaagii dhalaali waayey.

Dooxo <U>  = U-dal: dooxo qaabka ‘U’ u samaysan. Dooxada waxa qoday baraf waagii barafweyne. Gunteedu waa siman tahay waxayna leedahay dhinacyo jilicsan.

Dooxo deldelan= V-dal: dooxo leh qaabka ‘V’. Dooxada waxa qoday webi.

Marayne = morene tuulimaad tamuux iyo camuud badan oo barafloox ka tegey.

Dhambal-burbur= Flyttblokk dhadhaabo laga soo qaaday meeshii ay markii hore yaalleen.  Badanka waxa loo isticmaaclaa ereygan dhagxaan waaweyn oo uu barafloox soo qaaday kaddibna markii barafkii dhalaalay meeshaas looga tegey.

Xoqis ama jejebin dhagxaan = Skuringsstriper Diilimo ama xariijimo ka muuqda buuraha iyo dhagxaanta kuwaas oo uu sameeyeen barafku.

Cimilo = klima Jawiga meel leedahay muddo aad u dheer.

Kaynta Magoole = Løvskog dhir caleen siman oo dhuuban leh. Dhirta sida biirjka (bjørk).

Kaynta Koonifaras = Barskog waa dhir caleen irbad ah leh. Kuwa sida caadiga ah Noorweey laga helo waa baynka (furu) iyo isburuuska (gran).

Da’aa = nedbør Roob iyo shuux, roob baraf leh, iyo baraf.

Soohidnta dhirta = Tregrense Xadka u korreeya ee dhanka buurta dheer. Xadkan waxa ka sarreeya dhir kama bixi karto si dabiici ah.

Xeebta = kysten Dhulka qaybta badda xigta.

Hir-biyeed = Tidevann Isweydaarka badda caaridkeeda iyo buuxeeda.

Caarid = Flo Marka biyaha baddu xagga berriga soo aadaan (F.G. dadka qaar baa caarid u yaqaan marka biyaha baddu dhanka dhulka ka noqdaan).

Buuxsamid (noqod) = Fjære Biyaha baddu xagga dhulka ayay ka noqdeen.

Muuqaal dhuleed aadane = Kulturlandskap Muuqaal dhul saamaynta dadku keentay.

Badgariir = tsunami Mawjadaha badda oo waaweeyn oo uu sababay dhulgariir ama barafqulqul (skred) badda hoosteeda, ama qarax folkaane iyo barafqulqul dhulka korkiisa.