» Bulshada » Bulshooyin badan

Bulshooyin badan

 

Dugsiga waxaa ku barataa maaddadda cilmiga bulshada, balse ma ka fekertay ereyga bulsho waxa macnihiisu yahay?

Ereyga bulsho waxa loo adeegsdaa siyaalo kala duwan. Waxa laga yaabaa in aad maqashay ereyadan: guriga bulshada, beesha caalamka, beesha aaggan, beesha dugsiga iyo bulshada internetka?

Ka raadi macnaha ereyga bulsho qaamuuska ama internetka..

Klikk på Google eller Wikipedia. Skriv samfunn i søkefeltet.

EU2

EU-landene i Europa

Bulshada ugu weyn ee aan haysannaa waa beesha caalamka. Maadaama dadka oo dhan wada deggan yihiin adduunka, markaa waa aan is leenahay. Sidaas oo kale dadka wada degga qaarad  waxbay wadaagaan,  dadka waddan kastanaa waxaybay waddaagaan. Innaga Yurub waxay noqonaysaa beel., waddankeena Noorweyna beel kale. Kuwan oo kale waxa aan odhan karnaa bulsho weyn.

 

 

Noorwey gudaheeda waxaan ka helaynaa bulshooyin: qaybta dalka, gobolka, degmada, magaalada ama tuullada. Tusaalayaashan oo kale waxan niraahnaa bulsho hoosaad.

tokyovoss

Marka beeshu sii yaraataba, waxaan sida badan arkaynaa in aan aad isugu sii dhowaanayno. Waxa aan deggan nahay meel isu dhow, waxaan u hadalnaa si isu dhow, waxaan wada taageernaa koox kubbad cag, waxanna aadnaa isku dugsi.

Laakinse halka kuma istaagto. Dugsiga aad aaddaa waa beel. Fasalkaagu waa beel kale. Kooxda kubbadda cagta aad u ciyaartaa waa beel, qoyskaaguna waa beel. Beelahan oo kale waxaan ugu yeernaa bulshooyin yaryar.

familieetc

Tan macnaheedu waa dhammaanteenba waxaan ka mid nahay beel. Dadka intiisa badanina iskumar waxaabay ku jiraan bulshooyin badan.

 

Maxaa muhiim u ah bulsho?

Si aad si fiican ugu fahamtid tan, waxaan eegaynaa bulsho yar. Fasalkaaga ka soo qaad: Maxaa muhiim u ah fasalkaaga si uu si fiican ugu shaqeeyo, oo aanay qalalaase noqon?Miyaanay ahayn in la sameeyo xeerrar? Miyaanay ahayn in la is tixgeliyo? Ka feker haddii qof waliba samayn lahaa waxa uu rabo, marka uu rabo?Waxay la mid noqonaysaa ciyaar aan hal sharci lahayn! Ma fiicnaan lahayd?

Bulshada dhexdeeda waxaan rabnaa in uu jiro wadajir iyo in qofkastaa wanaagsan yahay oo dareemayo xasilooni. Dhammaantood bulshooyinku waa inay yeeshaan xeerrar, sharciyo iyo caadooyin la raacayo. Waxaa hubaal ah in aad xeerrar fasalkiinu leeyahay, xeerrarka fasalka ama xeerrarka wanaagga. Xeerrarka qaar waa qoran yihiin, halka kuwa kale aanay qornayn oo aad ilaa yaraantii soo baranaysey.