» Muuqaalka dhulka » Barafka

Barafka

Noorweey waxa ku yaalla buuro badan oo dhaadheer, dooxooyin gun dheer iyo fiyoorro dhaadheer. Laakiinse sidee bay u samaysmeen? Waa in aan dib u jaleecnaa waqti aad u fog oo la soo dhaafay si loo ogaado.

is

Sidan bay u ekeyd markii barafku Noorwey daboolay

Kumanaan sanno ka hor qayb ka mid ah Noorweey iyo waddamada waqooyiga waxaa ku daboolnaa baraflooxyo. Waqtiyada uu dhulka badankiisa baraf daboollo, waxaa la yiraahdaa waayadii barafweyne.

Barafku waxa uu xoog u cadaadiyay dhulka. Waxa intaa dheer in barafku dhaqdhaqaqayey waqtigaas oo dhan, taasi waxa keentay qaabayn iyo lisid muuqaalka dhulka. Barafku waxa uu dhulka la simay buuro, waxa uu qoday dooxooyin iyo waxa uu kale uu sameeyey diilimo iyo qaabayn buuraha. 

Baraflooxii ugu dambeeyey ee Noorweey korka ka saarnaa, waxa uu dhalaalay qiyaastii 10000 sano ka hor. Barafkaasi waxa dhumucdiisu ahayd in ku dhow 3000 mitir.

Markii barafkii dhalaalay, dhulku kor buu u kacay maadaama culayskii barafku meesha ka baxay.

Billowgii dhulka waxa qariyay biyo ka yimi barafka dhalaalay, balse xoogaa ka dib waa engegay. Meello badan aan hadda la degganahay, waxay mar ahaan jireen bad gunteed!

Baraflooxyada maanta jiraa asalkoodu maaha kuwii waagii barafweyne. Baraflooxyadani waxa ay ka yimeedaan qaboobayaal ka dambeeyey, oo marna waa weynaadaan marna waa yaraadaan kolba sida cimiladu tahay.

Waxa aan maanta arki karnaa raadadka baraflooxa. Marka baraflooxyadu koraan waxa ay fujiyaan dhagaxaan oo waxa ay hore u riixaan dhagaxaan iyo tamuux. Raadka uu ka tago baraflooxa waxa la dhahaa maraynar. Maraynarrada waxaa ku arkaysaa iyagoo rasaysan ama kuro ah dhulka korkiisa.

Baraflooxu waxa kala oo jiidan karaa dhadhaabo waaweyn oo uu u sii riixaa meello aad u fog. Dhadhaabahan waxa la yiraahdaa dhambal-burbur (flyttblokker). Waxaa laga yaabaa in aad aragtay dhadhaabo waaweyn oo kor saaran meello aad ka yaabaysid. Sidee bay halkaan u yimaadeen? Waxa laga yaabaa in ay yihiin dhambal-burbur.

Waxa kale oo aan arki karnaa diilimo buuraha ku yaal. Diilimahani waa raadkii dhagxaanta barafku jiidanayey, ama raadki dhagax ku dhex barafoobay barafka. Markuu barafku dhaqdhaqaaqay ayaa dhagxaantuu jiidanay xoqeen buurta. Diilimahan waxa la yidhaahdaa xoqista ama jejebinta dhagxaanta (skuringsstriper).

Haddaad rabtid intaa in ka badan in aad ka ogaatid waagii barafweyne iyo barafloox, booqo matxafka barafqulqulka ee ku yaal Fiyeerlaan (Fjærland).

Ma ogtahay …?

 

  • Biirjigu (bjørka) in uu yahay geedkii ugu horeeyey ee soo baxay ka dib waagii barafweyne.
  • Baraflooxa ugu weyn Noorweey waa baraflooxa Yostedaalisbareeyen (Jostedalsbreen).
  • Noorweey waxa ay leedahay ilaa 2000 oo barafloox!
  • Baraflooxyada Noorweey ay ka yar yihiin siday boqolaal sano ka hor ahaayeen
  • Qulqulkii ugu dhaqso badnaa ee barafloox ee lagu cabbiray Noorweey uu yahay Isfaartiisen (Svartisen) oo dhaqaaqay 1,75 mitir 24 saacadood. Giriinlaan waxa lagu cabbiray mid 30 mitir dhaqaaqay 24 saacadood gudahood!
  • Marka buur baraf ahi ka go’do barafloox, waxa aan niraahnaa baraflooxii waa burbur-dumey (kalver).
  • Dhambal-burburada ugu waaweyn waxa uu culayskoodu gaari karaa 100 tan.

 

Baraflooxu waa socdaa

Baraflooxu waa socdaa

Beri waxa jirey qof