» Qaybaha dalka » Nuurnoorge

Nuurnoorge

Nuurnoorge waa qaybta ugu weyn oo ugu dheer qaybaha dalka Noorweey. Sidaas oo ay tahay waa qaybta ugu dadka yar. Noornoorge waxa ku taal qaybta ugu dhuuban qaybaha dalka Noorweey, taas oo 6 km keliya ah.

tromso

Waa buundada bilicsan ee Toromsoyburuwa oo gadaalna kiniisadda Is-haafiskataderaalen ka muuqato.

Nuurnoorge waa qaybta ugu weyn oo ugu dheer qaybaha dalka Noorweey. Sidaas oo ay tahay waa qaybta ugu dadka yar. Noornoorge waxa ku taal qaybta ugu dhuuban qaybaha dalka Noorweey, taas oo 6 km keliya ah.

Dhanka xeebta waxa dhici karta in cimiladu qallafsan tahay.  Meelaha qaar waxa ku yaal buuro caaro dhuuban oo fiiqfiiqan. Dhanka waqooyi waxa ku yaal bannaanka weyn ee Finmaarkisfidda (Finmarksvidda).

Waxa u gaar ah Nuurnoorge iftiin jira maalin iyo habeenba xilliga xagaaga. Marna ma noqoto gudcur! Sababtu waxa weeye, qorraxdu kama dhacdo. Tan waxa la yidhaahdaa cadceedda saqdadhexe (midnattssol).  Xilliga jiilaalka wax yar baa la arkaa qorrax iyo iftiinba. Waqtigaas waxa la dhahaa waqtiga mugdiga.

Inkasta oo qaybtan dalku ku taal dhanka waqooyi, cimilada dhanka xeebtu waa dhexdhexaad. Tan waxaa sabab u ah Maayadda Gacanka ee xeebta ka timaada. Dhanka oogadase, gaar ahaan Finmaark (Finmark), aad bay u qaboobdahay.

midnatt

Cadceedda saqda dhexe ee Nuurkab

Kalluunku waa waxsoosaar muhiim u ah qaybtan dalka. Kalluunka dad badan baa shaqo ka hela. Lofooten (Lofoten) waa meesha ugu caansan ee kalluumaysiga.

Dhaqahada deerada dhulka qabawga ku nool (reindrift) waxa uu weligii u ahaa waxsoosaar dadka Saamiga (same) ee waqooyiga ku nool.

Maanta waqtigan aan joogno bannaanka Finmaarkisfidda waxa uu daaqsin u yahay deerada dhulka qabawga.

 

 

 

Ma ogtahay …?

• Nuurnoorge ka kooban yahay saddex gobol Nuurlaan (Nordland), Toroms (Troms), Finmaark (Finnmark).

• Nuurnoorge in ay ku yaalliin 9 ka mid ah 10ka jasiiradood ee Noorwey ugu weeyn.

• Hinoya (Hinnøya) inay tahay jasiiradda ugu weyn Noorwey.

• Toromso (Tromsø)  in ay tahay magaalada ugu weyn Nuurnoorge.

• Nuurkab (Nordkapp) uu yahay barta u waqooyisa Noorwey.

• Hammarfeest (Hammerfest) ay dad badan u yaqaaniin magaalada ugu waqooyisa adduunka.

• Nuurnoorge.laga helayo raaddadka ugu da’da weyn ee Noorweey.

• Isfaartiisen (Svartisen) yahay baraflooxa ugu weyn Noorwey.

• In Karashook (Karasjok) lagu cabbiray heerkul 51 garaaddo ah, waana midka ugu qaboobaa ee Noorweey

• Nuurnoorge xad la leeyahay Ruushka (Grense Jakobselv).

Ilayska waqooyi

Dhaqashada deerada qabawaha

Oppdrag Nord-Norge

Badda ayaa karaysa

Finnmark