» Giriiggii hore » Filasoofyadii

Filasoofyadii

 

Waxaa jirey niman Giriig ah oo jeclaa in ay fekeraan oo ay su’aalo isweydiiyaan. Waxa loogo yeedhi jiray nimankaan filasoofyo. Filasoofku waa «qof xikmad jecel». Filasoofyadu waxay is weydiin jireen su’aalo aan dadka intiisa kale si weyn uga fekeri jirin, tusaale ahaan.: «Sidee adduunku u unkamay?», «Maxaan u xanuunsannaa?», «Sidee baynu u wada dhaqmaynaa?» iyo «Waa maxay macnaha noloshu?»

Mid ka mid ah filasoofyadii ugu muhiimsanaa Atiina, waa Soqraad (469-399 C.H.)

Suuqa ayuu wareegi jirey oo dadka la sheekaysan jirey. Wuu cagocaddaan jirey, dhar jeexjeexanna wuu gashan jirey. Soqraad wuxuu rabay in dadku iskood u fekeraan oo aanay dhegaysan wax dad kale dan ka leeyihiin oo ay go’aansadeen. Sidaas darteed isaga siday la ahayd uma sheegi jirin dadka e wuxuu weydiin jirey su’aalo badan. Marar badan waxa dhici jirtey in qofkuu su’aalaha weydiinayaa hadal iska hor imanaya yidhaahdo, oo doqonimadiisa muujiyo. Soqraad wuxuu iska dhigi jiray sidii qof aan waxba garanayn. Dad badan baa jeclaa Soqraad maskax badnaantiisa, gaar ahaan ragga dhallinyarada ah. Dad badan oo cadawgiisa ahna waa jireen. Waxa lagu eedeeyey inuu ku jeesjeesay ilaahyada, inuu habaabinayay dhallinyarada. Markuu Soqraad 70 sanno jirey waa la xidhay, waxaana lagu xukumay dil. Waxa lagu xukumay inuu sun cabbo.

Sokrates får giftbegeret

Sawir hore oo tusaya Soqraad oo koobkii sunta la siinayo Wiki Commons

Soqraad wax buug ah ma qorin, balse wuxuu lahaa arday badan. Waxa ugu caansanaa ardaydiisa Balaato (427-347 C. H.), Kaas oo bilaabay Atiina dugsi falsafad ka dib markii Soqraad geeryooday. Dugsiga waxa uu u bixiyey Akademi, waxaana lagu tiriyaa jaamacaddii ugu horeysay adduunka.

Balaato wuxuu qoray 34 wadahadal, Soqraadna waxa uu ahaa inta badan mid ka mid wadahadlayaasha. Balaato wuxuu ardayda bari jirey sida loo doodo, wuxuuna aad ugu hawlaysanaa in ruuxda iyo afkaartu ay ka muhiimsan yihiin jidhka iyo waayo-aragnimada aan dareemayaasha ka helno

Aristootal (384-322 C. H.) saddex sanno ayuu arday ka ahaa dugsigii Balaato. Waxa loo yiqiin nin faylasoof iyo saynisyahan ah. Aristootal waxay la ahayd inay muhiim tahay in baaritaan la sameeyo, ama wax la tijaabiyo, si wax loo ogaado. Wuxuu ardaydiisa bari jiray in ay dabeecadda si qoto leh u fiiriyaan, sharaxaanna waxay arkeen.

Wuxuu isku hawli jirey inuu habeeyo oo abla-ableeyo aqoonta, waxaanuu ahaa qofkii u horreeyey ee xayawaanka u qaybiyey laba qaybood: laf-dhabarleey iyo laf-dhabarla’. Laf-dhabarleeyda wuxuu u sii qaybiyey Naasleey, Shimbiro iyo berribiyood. Sidaas ayaa shaqaduu qabtay macne weyn ugu lahayd dhammaan ciddii rabtay inay bartaan xayawaanka iyo dhirta

Soqraad, Balaato iyo Aristootal waxa lagu xisaabiyaa filasoofyadii ugu waaweynaa ee reer Galbeedka, balse dhaktarka reer Giriig Hibokaraat (460-377 C.H.) waa in la xuso. Wuxuu wax badan oo cusub ka ogaaday cudurrada taas oo keentay in lagu magcaabo «aabbaha caafimaadka».

Waqtigaas waxa dadku aaminsanaayeen in dadku xanuunsadaan sababta oo ah ilaahayada iyo sixiroolayaasha baa u xanaaqsan. Hibokaraat waxay la ahayd in cudurrada ay sababo dabiiciyi keenaan, tusaale ahaan in qofka xanuunsanayaa cunay cunto xun ama qabaw badan helay. Waxa muhiim u ahayd Hibokaraat, in qofka xanuunsanaya ay baaraan dhakhtarro oo ay ka eegaan in jidhkiisu calaamado gaar ah leeyahay. Qofka xanuunsanaya in asxaabtiisu baantaan, oo uu nasto, hareerihiisu nadiif tahay oo daawo la siiyo dhakhtarradu ogaadeen in ay dadkale ku fayoobeen.

 

Nolosha Soqraad

Wax yar oo ku saabsan Soqraad