» Qaybaha dalka » Isfaalbaard

Isfaalbaard

Waqooyiga dhulka Noorwey, marka dhanka Cirifka waqooyi loo socdo, waxa ku yaalla koox jasiirado ah oo la daho Isfaalbard. Kooxdan jasiiradaha ahi kama mid aha qaybaha dalka Noorwey, balse waa qayb muhiim ah oo Noorwey.

isbjorn2

Isfaalbard waxay ku taal meel ka shisheysa Cirifka waqooyi. Isfaarbaard waxa ay leedahay cadceedda saqdadhexe iyo waqtiga mugdiga.

Jasiiradda ugu weyn waxa la yiraahdaa Isbitisbeergen. Halkan waxa deggan qiyaastii 2700 oo qof. Intooda badani waxa ay deggan yihiin Loongyeerbiyen, taas oo ah meesha ugu weyn ee Isfaalbard. Halakan waxa ku yaalla huteel,geggi diyaarad, dugsiyo, dukaanno, shaneemo iyo kiniisad.

Isfaalbaard waxa ku yaal dabeecad qurux badan oo dihin. Aad bay u qabawdahay, xitaa xilliga xagaaga qaybta u sarraysa dhulka ayaan sayax barafoobay saarnayn. Dhir kuma taallo, laakiin waxa ku yaal ubaxyo u gaar ah oo meel kale laga hellin. Waxa halakan laga helaa xayawaano- iyo shimbiro kala duwan. Madaxkutida barafka ayaa ah u khaas ah ee uguna khatarsan. Haddii uu qof rabo in uu dabeecadda xaggeeda aado, waa in uu buntukh wataa. Qaar badan oo dalxiisayaal ah ayaa raba in ay soo booqdaan Isfaalbard. Maadaama dabeecaddu ay tahay mid khaas u ah halkan, cilmibaaris badan baa halkan ka socota. Waxa muhiim ah in aan dhowrno dabeecadda Isfaalbaard.

 

Svalbard

Dyreliv

longyearbyen