» Muuqaalka dhulka » Qolofta dhulka

Qolofta dhulka

Qolofta dhulku waa lakab khafiif ah oo leh saxanno waaweeyn oo ku dul wareegsan cuf dhadhaabo holcaya. Waxa aan dhulka garabdhigi karnaa tufaax, markaa qolofta dhulku waxa ay u dhigmaysaa diirka tufaaxa ku wareegsan.

vulkanmedgutt2

Halkan waxaad ka arkaysaa folkaane qarxaya

jorda

 

Cuf dhadhaabeedkani waa dhaqdhaqaaqaa, markaas ayaa saxanada qolofta dhulku isjiiraan oo isdhaafaan. Meelaha ku yaal meel u dhow xudduudda laba saxan, waxa sida badan laga dareemaa in saxanadu dhaqdhaqaaqayaan. Dhaqdhaqaaqaasi waxa uu keenaa dhulgariir iyo qarax folkaane.

 

 

vulkan

Qaar badan oo ka mid meelahan waxa kale oo ka dhaca folkaane. Folkaanaha waxa ka soo baxa dhagaxaan dhalaashay, laafa (lava) iyo uumi ka soo baxa ubucda dhulka.

 

 

sprekk

Noorweey marmar dhif ah ayuu ka dhacaa dhulgariir, markay ka dhacaanna waa qaar aad daciif u ah. Sababtuna waxa weeye Noorweey waxa ay ku taal gudaha mid ka mid ah saxanada dhulka, sidaa darteed wax yar baan ka dareenaa dhaqdhaqaaqyada saxanada.

 

 

Ma ogtahay …?

  • qiyaastii 75% dhulgariiradu ka dhacaan badda Deggan.
  • 2011kii waxa dhulgariir ku dilay dalka Jabbaan dad ku dhow 10000 qof.
  • marka dhulgariir ama folkaane dhaco ka dib, waxa dhici kara badgariir(tsunami)
  • marka dhulgariir dhacayo, in la maqlo qaylo dheer, dhulku uu gariirayo, oo hirar samaynayo, oo qarqarxi karo.
  • awoodda dhulgariir waxa lagu cabbiraa qiyaas cabbireedka Rijteris (Richters), kaas oo cabbira inta ay le’eg tahay baaxadda tamarta.
  • dhulgariirkii ugu xoogga badnaa adduunka, waxaa cabbirkiisu ahaa 9,1 qiyaas-cabbireedka Rijteris.
  • magaca folkaane waxa uu ka yimi ilaah ay caabudi jireen Roomaanku Fulkaanus (Vulcanus).
  • waxa jira qiyaastii ilaa 600 dhulgariir firfircoon dhulka korkiisa, iyo weliba qaar badan oo badda gunteeda ah
  • folkaanaha keliya ee Noorweey ka dhaca waxa uu ka dhacay Jaan Meeyen (Jan Mayen).
  • adduunka foolkanahii u weyn waxa uu ka dhacay Hawaay (Hawaii).
  • marka folkaane qarxo, uumiga ka soo baxaa waxa uu ku socon karaa 100 km/saacaddii
  • Abriil 2010 uu folkaane weyni ka qarxay Ayslaan. Isgaarsiinta xagga diyaaradaha oo qaybo badan oo Yurub ka mid ahi in ay joojiyeen daruuro dambas ah.

 

 

 

Folkaane

Dhulgariir

Badgariir