Muddadii u dhexeysay sannadkii 700 C.H. ilaa ku dhowaadkii 500 C.D. waxa loogu yeeraa xilligii qaddiimiga, waxaynka ka billaabantaa Giriig. Wax badan oo dhacay xilligaa, macno weyn bay inoogu fadhidaa dadkeena Yurub deggan.
Giriig xilligii qaddiimka siduu ahaa waa ka duwan yahay siduu maanta yahay. Waqtigaas wuxuu ahaa dhulweyne iyo jasiirrado u qaybsanaa dawlado yaryar oo kala duwan, dawladyar oo kastaana waxay lahayd xeerar iyo maamul u gaar ah. Dawladaha qaar baa lahaa boqor u gaar ah, halka kuwo kalena ay hoggaaminayeen qoysas quwad badan iyo dagaalyahanno. Dawladaha yaryar ee kala duwan dagaal baa sida badan u dhaxayn jirey. Laakiin dadku wax badan bay wadaageen: isku af bay ku hadli jireen – af-Giriig, waxayna rumaysnaayeen ilaahyo isku mid ah. Waxay rumaysnaayeen in cidda aan ku hadlin af-Giriiggu yidhaahdaan keliya ‘ bar-bar-bar’ ( waxay la mid tahay sida aan nidhaahno ‘bla-bla-bla’), sidaasbay ugu yeereen ciddi aan Giriig ahayn ‘barbar’ (cawaan).
.
- Bilde av et gresk skip på gammel vase