» Qaybaha dalka » Feestlaande

Feestlaande

Feestlaande waa qaybta ugu kala duwanaansho badan markaan eegno xagga dabiicadda.

VestHoved2

Dooxo caadi ka ah ee Feestlaande oo gadaalna barafloox ka muuqdo

Dhinaca koonfureed waa dhul bannaan oo beerafalasho, waxaase kale oo ku yaalla meelo buuro leh.  Dhinaca waqooyi waxa ku yaal buuro badan oo dhaadheer, buuro fiiqan iyo fiyoorro qotodheer. Laakiinse galbeedku waa xeeb cimiladeedu qallafsan tahay. Dhinacaa barina waxa ku yaal dhul buuraleey ah.

Beergan (Bergen), oo ah magaalada labaad ee Noorwey ugu weyn, waxay ku taal xeebta. Beergan weligeed waxay ahayd magaalo ganacsi oo muhiim ah. Biriggen (Bryggen) waxa weli ku yaal dhismayaal badan oo qadiim ah oo la dhisay xilli hore oo ganacsi.

Dabaysha ka timaadda dhanka badda ayaa keenta in da’aa ka badan qaybaha kale ee dalka ka da’o qaybtan dalka Noorweey.

Kalluumaysi, beerfalasho, naafto, danabdhalin, wershado iyo dalxiis ayaa ah khayraad iyo waxsoosaar.

Ma ogtahay ….?

  • Feestlaande leeyahay afar gobol: Roogolaan (Rogaland), Hoordalaan (Hordaland), Sooyn iyo Fiyoorane (Sogn og Fjordane), iyo Moore iyo Roomisdaal (Møre og Romsdal)
  • Roogalaan in ay leedahay waxsoosaarka ugu weyn gobolada noorwey.
  • Stavanger loo yaqaan magaalada saliidda, ayna tahay magaalada afraad ee Noorweey ugu weyn.
  • Baraflooxa ugu weyn Noorwey la dhaho Yustedaalisbaree’en Jostedalsbreen.
  • In aad Istiriinefiyeele (Strynefjellet) ku ciyaari kartid barafsilbad xilliga xagaaga
  • In fiyoorka ugu dheer Noorwey la yidhaado Soognefiyooren (Sognefjorden), oo dhererkiisu qiyaastii yahay 200kiiloomitir.
  • Hornindaalsfaatne (Hornindalsvatnet) tahay dooxada ugu qotodheer Yurub oo ah 514 mitir.
  • Romisdaalen (Romsdalen) iyo Sunmoore (Sunnmøre) leeyihiin buuro dhaadheer oo fiiqfiiqan.
  • Hardaangarfidda (Hardangervidda) uu tahay silsiladda buuraha uguna weyn Yurub.

 

Oppdrag Sognefjorden

Ekstremsportveko

Duufaan-dabayl Feestlaande ka dhacaysa

Duufaan ka dhacaya Feestlaande