» Qaybaha dalka » Mitnoorge

Mitnoorge

Mitnoorge waa Noorweey oo yar, sababta oo ah halkan waxa ku yaalla noocyada kala duwan ee dhulka: silsilad jasiiraddo ah, kayn, buuro dhaadheer iyo bannaanno dalagga laga beeri karo.

MidtHoved

Muuqaalka marka laga soo eegayo Laade ee Toromhaymisfiyooren

Meeliba meelaha kale waa ka cimilo gedisantahay. Xagga xeebta roob badan baa ka da’a, oo xagaaga iyo jiilaalku midna ma darna. Dhanka gudahase xagaagii waa kulayl jiilaalkiina waa qabaw.

Toronhaym  (Trondheim), oo ku taal fiyoorka Toronhaymsfiyooren (Trondheimsfjorden), waa magaalada saddexaad ee Noorwey ugu weyn.

Qaybtan dalka Noorwey waa qayb taariikh ahaan muhiim ah sababta oo ah taliyayaal iyo boqorro awood badnaa ayaa degganaa waqtigii faykinga (vikingtida).

Waxsoosaarada ugu muhiimsan ee Mitnoorge waa alwaax, kalluumaysi, xoolo dhaqasho, iyo beerasho baradho iyo badar.

 

Ma ogtahay ….?

• Mitnoorge in laba gobol ku yaalliin: Nuurtorondelaag (Nord-Trøndelag) iyo Soortorondelaag (Sør-Trøndelag)

• Mitnoorg in la yidhaahdho Torondelaag (Trøndelag).

• Nidaroosdoomen (Nidarosdomen) ay tahay kiniisadda ugu weyn Noorweey. Halkan ayuu ku aasan yahay Uulaf kii qudduuska ahaa (Olav den Hellige).

• Ka dib dagaalkii faykinka ee ka dhacay Istiklestad (Stiklestad)  1030kii ayaa diinta Kiristanku ku faaftay Noorwey.

• Rooroos (Røros) waa meel dhuxuldhagax qodid ku caan ah oo laga helay naxaas (kobber).

  

Uulafka muqadaska ah

Røros