» LærerveiledningSO

LærerveiledningSO

I ZMEKK 2 er det foretatt et utvalg av tema fra hvert av hovedområdene i samfunnsfag i grunnskolen fralæreplanen til Kunnskapsløftet, Samfunnskunnskap, geografi og historie.

ZMEKK2 waxa weeye mawduucyo cayiman oo laga soo xulay (lenke til tekst)  qaybaha ugu muhiimsan cilmiga bulshada lagu barto dugsiga dhexe oo ku salaysan manhajka dugsiyada (Kunnskapsløftet), cilmiga bulshada, juquraafi iyo taariikh. (lenke)

Cutubyada waxa loo qaybiyey baragaraafyo yaryar, baragaraaf kastana cinwaan-hoosaadkiisu u gaar yahay. Baragaraafyo badan ka dib, waxa dabayaal laylis ku saabsan waxa ardaygu soo akhriyey.

Waxa laga faa’iidi karaa in waqti loo huro in la eego oo laga wada hadlo jaantuusyada iyo sawirada, si loo xoojiyo barashada ereyada cusub.

Ereyada cusub ee adag waxa lagu muujiyey khad dhalaalaya, waxaana lagu sii sharaxay < ereyada muhiimka ah>.

<Ma og tahay …? >  waa weedho run ah oo la isu keenay, waana qurub ka mid ah cutub kasta.

Marka ardaygu dhammeeyo hal cutub, waxa mar kale mawduuca laga akhriyi karaa buugga. Ardaygu waxa uu mar kale ka helayaa ereyo iyo  oraahyo lagu soo maray halkan. Tani waxay keenaysa in ardaygu si fiican ula socdo cilmiga buugga.

utvalgte tema2