Kayn
Billowgii dhulku waa muruxsanaa. Laakiin waqti yar ka dib, waxa soo baxay geedo, iyo dhir xididdada qotonsatay. Kayntu waxa ay u kortay dhanka dhulka. Geedkii u horreeyey ee soo baxay waxa uu ahaa biirjka (bjørka). Ka dib waxa yimi baynka (furu) iyo dhir kale. Ka gadaal waagii barafweyne ee qabawga badnaa, waxaa yimi waqti diirimaad badan oo qiyaastii 4000-5000 sano ka soo wareegtay. Markaas baa dhab ahaan dhir ka soo baxeen buuraha xaggooda sare. Ku dar xitaa bannaanka Hardangar, oo iminka leh nagaar iyo dhul cawseed keliya, waxa ku yiil kayn bayn ah. Kaymaha Noorweey laba ayaa loo qaybiyaa kayntamagoolayaasha (løvskog) iyo kaynta kooniifaraska(barskog).
Kaynta magoolayaashu waxa ay ku badan tahay dhanka xeebta koonfureed, halka kaynta koonifarasku ka baxdo gaar ahaan Oostlaande (Østlandet) iyo Torondelaag (Trøndelag). Buuraha dhaadheer ee Noorweey ayaa joojiyey isburuusku (granen) in uu ku fido dhinaca Feestlaande (Vestlandet). Isbruuska (granen) Feestlaandka ku yaal asalkiisu waa mid la beeray.
Buur
Noorweey waxa lagu yaqaan buuro dhaadheer. Kuwo ka mid ah waxay leeyihiin kor janjeedha oo aad u fiiqan, kuwa kalena waxay leeyihiin kor wareegsan. Da’aa (nedbør), dabayl iyo qabow baa lisay buuraha korkooda waagii barafweyne ka dib. Kor markaad u sii fuushid buurta, waxa sii yaraanaya dhirta iyo geedaha. Halka ugu dambaysa ee dhir ka baxaan, waxa la dhahaa soohdinta dhirta. Tani waxa ay kuugu muuqanaysaa sidii xarriiq, marka aad meel fog ka eegaysid. Waa qabaw iyo dabayl badan tahay buurta korkeedu, sidaas darteed dhirta yaryar keliya ayaa ka hela dugsi oo ka bixi kara.
Fiyoord
Baraflooxii weynaa ee waagii barafweyne baa qoday fiyoorada ku yaal Noorweey. Fiyoordka adduunka ugu dheer waxa la yidhaahdaa Soognefiyooren (Sognefjorden). Kani waa fiyoordka furan ee ugu dheer adduunka!
Xeeb
Noorweey waxa ay leedahay xeeb aad u dheer. 279 degmo oo ka mid ah degmooyinka Noorweey waxay ku yaalliin xeebta. Hirka badda (tidsvannet) ayaa xeebta beddela markasta. Heerka biyaha waxa uu u dhexeeyee caarid iyo buuxid (flo og fjære) laba jeer habeenkii iyo maalintii. Xeebta Noorweey waxa ku soo dhaca maayado xoog badan oo ka yimaada dhanka koonfureed ee badda. Maayaddani waa kulushahay, waxaana la yidhaahdaa Maayadda Gacanka (Golfstrømmen). Tan ayaa u sabab ah in aan dalag ku falan karno waqooyiga. Haddii Mayaadda Gacanku jiri lahayn, baraf dhumuc weyn baa dabooli lahaa xeebta oo dhan xilliga jiilaalka.
Muuqaal dhuleed aadane sameeyey
Muuqaalku dhulka isbeddel baa kaga yimaadda markasta dhanka cimilada, dabaysha iyo dadkaba. Waxaan dhisnaa guryo iyo waddooyin, waxaan beernaa badar iyo khudaar, waxaanna ku faafinnaa xoolaheena si ay u daaqaan. Muuqaalka dhul ee raadkii dadku ka muuqdo waxa la yiraahdaa muuqaal dhuleed aadane sameeyey. Meel markii hore ahayd kayn, ayaa hadda guryo ka dhisan yihiin, meel markii hore beer iyo daaqsin ahaan jirtay, waxa ku yaal magaalo. Balse haddii dadku joojiyaan beerfalashada, dabeecaddu dib bay ula soo noqonaysaa muuqaalka dhulka. Waxa aan arkaynaa meello badan oo aan iminka dad ku noolayn. Meello badan oo ka mid ah baa dib wax u gasoo baxaan. Dad badan baa isku taxalujiya sida uga fiican ee aan u ilaallin karno dabeeecadda.
Cimilo iyo dabayl
Iminka waxaa baratay sida muuqaalka dhulka kala duwan u soo ifbaxeen, iyo sida dadku ay u saameeyeen horumar. Inkasta oo iminka aanay ahayn seben barafweyne amaba aanay qolofta dhulka ka hooseysa Noorweey dhaqdhaqaaqayn, isbeddello badan baa ku dhaca muqaalka dhulka. Cimilada wadata biyaha, roobka, barafka, dabaysha, qabawga iyo kulaylka ayaa weli sii wadda sida uu u qaabaysmi lahaa muuqaalka dhulkeenu;
* Buuraha korkood waa lismayaan.
* Webiyadu hoos bay u qodayaan, waxa ayna wadanayaan ciid iyo aasaaska buuraha.
* Qabow iyo baraf baa qarxinaya buuraha iyo dhagxaanta
Isbeddeledani waxa ay qaadanayaan waqti dheer, waqtiga oo aad u dheer awgeed aynaan waxba dareemin. Balse markay malaayiin sannadood kasoo wareegaan, isbeddelku aad buu u weynaanayaa.
Waxa kale oo dhici kara isbeddello degdeg ah, sida kuwa duufaanadu keenaan. Tusaale waxa aan u soo qaadan karnaa daad (ras). Waxa jira daad dhoobo, dhagax ama baraf ah. Daad yimi ka dib marka da’aa badan da’ay ama baraf badan dhalaalay, waa tusaale isbeddel degdeg ah.
Ma ogtahay … ?
- Heerkulkii ugu hooseeyey ee Noorweey lagu cabbiray, yahay -51,4 digrii (Krasjokk 1886)!
- Heerkulkii ugu sarreeyey ee Noorweey lagu cabbiray , yahay 35,6 digrii (Nesbyen 1970)!
- In ay qaadanayso boqollaal sannadood in dabeecaddu sideedii hore ku noqoto kadib markii daad qaaday.
- Furu
- Barskog
- Bjørk
- Ask
- Eik
- Lønn
- Galdhøpiggen
- Sognefjorden
- Kulturlandskap
- Sau
- Jordbruk før og nå
- Jordbruk
- Jordbruk
- Kystlinje
- Erosjon Kina
- Erosjon USA
- Flyttblokk
- Tsunami
- Havslitasje
- Hagl
- Snøras
- Leirras
- Steinras
- Flom