Mesobataamiya

Mesobataamiya oo leh Furaat iyo Dejla

meso

Libaax ka samaysan bulukeeti (jaajuur, leben) oo ku yaal derbiga magaalada Babiloontii hore

Webiyada Furaat iyo Dejla waxay ku yaalliin dalalka Turkiga, Ciraaq iyo Suuriya. 6000 oo sano ka hor, waxa qayb weyn oo dhulkan ka mid ah la odhan jirey Mesobataamiya, oo macnaheedu yahay dhulkii labada webi dhexdooda.

mesop1

Dhulkan cimiladiisu waxay weligeed ahayd cimilo kulul oo wanaagsan, laakiinse aad u engegan. Sidaas iyada oo ay tahay haddana waa dhulkaay ka timaado khudaar badan oo dukaamada taallaa. Dhulkani waa mid aad u dihin. Sidee bay u engagnaan kartaa, oo haddana u dihantahay?

Sidaad u qiyaastay, waxaa sidan ugu wacan webiyada. Webiyada waaweeyn la’aantood waxa dhulkani ahaan lahaa lamadegaan, oo sidaas darteed waxba uga baxeen. Furaat iyo Dejla waxay ka yimaadaan buuro dhaadheer, biyo ayaana ka buuxsama marka barafku dhalaalo. Biyuhu karkaarada bay jebiyaan, markay biyihu gudhaanna waxay dhulka kaga tagaan dhiiqo. Dhiiqadaasi waxa ku jira ciid wanaagsan oo nafaqo badan.

Dadka reer Mesobataamiya waxay ahaayeen dad maskax badan oo waxay soo saareen farsamooyin badan oo wanaagsan iyo qalabyo biyaha si fiican looga faa’iideysan karo. Biyahaas badan bay dhulka kaga dhigeen dhul dihin oo waxkastay rabaan ka beeri karaan. Intaas waxa u dheeraa kalluunka badan ee webiyada.

 

kveite200

Sarreen

Beeraleydii u horreeysey

Dadka degganaa Mesobataamiya ayaa ah beeralaydii ugu horreeysey. Markii ugu horreysay waxay ogaadeen badarka. Waxay ogaadeen dhir duurjoog ah oo midho badan leh. Dhirtaasi waxay noqdeen midhaha sarreenka (qamadi)! Carrogedin, waraabin iyo bacrimin carro baa waxay ka ogaadeen in dhulka laga miro dhalin karo. Taasi waxay keentay inay badar la soo bixi karaan dhowr jeer sannadkii. Waxay heleen cunto ka badan, waxayna awoodeen inay ururiyaan oo ay kaydiyaan.  Si ay shaqada kaalmo ugu helaan, waxay adeegsadeen xayawaan sida dibi iyo faras. Waa dadkii ugu horreeyey ee xoolo dhaqda.

Ziggurat

Siquuradyo

Wax badan oo lagu noolaan karo baa dhulkan ka jiray, waxayna keentay in dad badan u soo guuraan halkan, oo ay ka bilaabmaan magaalooyinkii ugu horreeyey. Inkasta ay kumanaan sano ka hor ahayd, magaalooyinkani aad bay u habaysnaayeen. Dhismayaal cajiib ah baa laga taagay. Mesobataamiya waxay caan ku tahay Siquuradyo,. Waxaa kale oo ka jirey dugsiyo, militeri iyo dad badan oo xirfado kala duwan leh.

Bulshadani way ka horeymarsanayd bulshooyinka kale ee waqtiigaa jirey. Dadka qaar baa ugu yeera inay yihiin dadkii u horreeyey ee ilbaxnimo lahaa.

Kongen på vogn

Boqorka oo gaadhi-faraskiisa ku fadhiya

Ikhtiraac

Dhanka koonfureed ee Mesobataamiya waxa ku yaalley waddanka Sumeer. Sumeeriyiintu waxay ikhtiraaceen waxyaabo badan. Xisaab iyo Joometeri halkan bay ka yimaadeen. Waxay ikhtiraaceen habdhis-tireed salkiisu 60 yahay.

Weli habkaas waxbaan ka isticmaalnaa. Saacaddu waa 60 daqiiqo, halka daqiiqana waa 60 ilbiriqsi. Goobada waxaan u qaybinaa 360 garaaddo.

Waxay kale oo ikhtiraaceen giraan (shaag) iyo qalabka carrorogga. Waxay doonyahooda u sameeyeen dakhal (kjøl), si aanay si fudud u gaddoomin, waxay billaabeen adeegsiga shiraac si aanay ulo ugu kaxayn.

Kileskrift

Kunifoom

Waqti u dhexeeyey 3500 iyo 3000 C.H. waxay soo saareen hab farqoris oo loogu yeedho Kunifoom. Kunifoom ku wuxuu ahaa billawgii sawirro. Muddo ka dib waa la fududeeyey, oo sawirradii waxaa lagu beddelay sumado. Sumeeriyiintu waxay wax ku qori jireen dhagxaan iyo sabuurrad dhoobo la qalajiyey ka samaysan. Farqoristu waxay ku faaftay bari iyo galbeed ilaa ay Masar ka gaadhay.

 

 

 

Sumerisk konge

Amiir reer Ashuur ah

Magaalooyin

Sumeeriyiintu waxay dhiseen magaalooyin waaweeyn. Magaaladii ugu weyneeyd Sumeer waxaa la odhan jirey Uruuk. Magaalada Uruuk waxay ahayd magaalo ganacsi, oo badda ku xidhan. Magaalo kastaa waxay ahayd sida badan dawlad gaar ah oo boqor leh. Boqorradu awood badan bay lahaayeen, waxayna kale oo ahaayeen hoggaamiyayaal diin. Magaalooyinka ayay boqorka, shaqaalihiisa, culimada iyo farsamoyaqaannadu degganaayeen. Waxaa magaalada inta badan ku wareegsanaa derbiyo si looga difaaco cadawga. Beeralayda degganaa hareeraha magaaladu waxay boqorka cashuur ahaan u siin jireen badar, hilib, kalluun iyo khudaar.

Sumeeriyiintu ma adeegsan jirin lacag si ay alaab u soo iibsadaan. Waxay alaab ku beddelan jireen alaab kale. Ganacsadayaasha ayaa debedda u dhoofi jirey oo ku soo beddelan jirey naxaas iyo dahab. Farsamoyaqaannadu waxay ku beddelan jiren cunto alaabta ay sameeyaan, sida alaabta dhoobo ka samaysan, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo dhar iyo qalabyo kale oo la adeegsado.

 

solgud2

Ilaaha qorraxda iyo cirfiidka fawdada

Biyo helistu waxay muhiim u ahayd beerfalashada. Waxay webiyada ka jeexeen kanaallo magaalada gudaheeda. Sidaas bay biyo uga haqab beeleen, oo ay doonyahana u saamaxday inay farasmagaalada u imaan karaan. Waxa kale ooy sameeyeen biyo-xidheenno iyo moosas si ay biyaha u celiyaan. Magaalooyinka iyo tuulooyinka waxaa nasiibdarro aafayn jirey daad, kaas oo digniin la’aan dhici jirey, oo burburin wuxuu soo gaadho ilaa uu badda kaga darsamayo. Dadku waxay u haysteen inay ahayd ciqaab dhanka ilaahyada ka timi, waxayna samayn jireen allebariyo ooy geyn jireen hadiyado macbadyada si ay u maslaxaan

 

Ma ogtahay in….?

  • Ereyga joomateri macnihiisu yahay «dhul-cabbirid»
  • Khariirradda adduunku ugu da’ weyn lagu sameeyey Mesobataamiya.
  • Cilmi-feleg – barashada meerayaasha iyo xidigaha – asalkiisu yahay Mesobotamiya [Foto/ illustr:Verdensrommet/galakser]
  • magaalada Uruuk ay 50 000 degganaayeen 3000 sano C.H.
  • markii u horreysay taariikda banii’aadamku sameeyo wax aan ahayn cunto raadis.

 

Mesopotamia