» Giriiggii hore » Dhaqan, farshaxan iyo isboorti

Dhaqan, farshaxan iyo isboorti

 

Hore waxaad u baratay in dadka Giriiggu badankoodu lahaayeen addoon u qabata hawsha guriga. Tani waxay dadka xorta ah siisay waqti badan oo firaaqo ah oo ay ku samayn karaan waxyaalo kale, tusaale ahaan inay u qabtaan xaflado waaweeyn ilaahyada kala duwan. Sannad kasta waxa la qaban jirey xaflad weyn oo heeso, qoob ka ciyaar iyo riwaayado ah oo  lagu sharfayo ilaaha khamriga, Diyunisus. Riwaayaduhu waxay badanka ku saabsanaayeen ilaahyo iyo halyeeyo shacabku hore u yaqaaney.

Masraxa waxa dhacaysay in shacabku qosol la dhawaaqaan ama aad uga murugoodaan oo ilmadu ka qubato. Giriiggu waxay ku hawlanayeen in qofku uu ku noolaan karo sheekooyin ba’an, balse uu qosol iyo farxad na dareemi karo.

I teateret brukte man ulike masker for å vise følelser. Kan du se hva disse skal forestille?

Masraxa waxay raggu xidhan jireen weji-shareer si ay u tusaan dareen (shucuur ) kala duwan ClipArt

Riwaayadaha murugada lehi waxay ku saabsan yihiin geeri, shillal iyo aargoosi, sidaas ayaa loogu bixiyey musiibooyin. Qaybaha ku jeesjeesa dadka iyo ilaahyadana, si dadku ugu qoslaan, waxa loo bixiyey majaajillo.

Dumarka looma oggolayn inay jilayaal noqdaan, sidaas darteed door kasta rag weji-shareer xiran baa jilli jirey.

Giriiggu waxa kale ooy aad ugu hawlanaayeen farshaxanka iyo nashqadda dhismayaasha (arkitektur). Dhagax-qorayaashu (billedhuggere) waxay u samayn jireen taallooyin ilaahyaada iyo ciyaartooyda, nashqad-dhiseyaal iyo farsamoyaqaanno ayaa dhisay macbadyo waaweyn oo qurux badan, dheri-sameeyayaasha (pottemakere) ayaa sameeyey dhallooyinka (krukker) ugu fiican iyo dheri-ubaxeedyo (vaser) oo waxay rinjiyeeyeen sawirro ilaahyo iyo dad. Taallooyinka iyo macbadyada ugu fiicnaa waxa laga sameeyey marmar cad waxaana lagu rinjiyeeyey midabyo xooggan.

De olympiske leker

Diskoskaster

Diskas (qars) tuure Olambikada

Grekerne mente at både kroppen og tankene trengte trening, så derfor var idrett en viktig del av utdanningen av frie gutter og menn. De var glade i å konkurrere, og hadde konkurranser i sang, dans, kunst og idrett. De fleste bystatene hadde idrettsanlegg der mennene kunne trene. Hvert 4.år møttes veltrente idrettsmenn, atleter, fra hele den greske verden i Olympia. Her foregikk den største idrettskonkurransen til ære for guden Zevs, de olympiske leker.

Det var bare frie, greske mannlige utøvere som fikk delta, og ingen bystater fikk være i krig mens lekene varte. Det ble kjempet i mange ulike grener, blant annet femkamp; spydkast, lengdehopp, løp, diskos og bryting, og kappkjøring med hest, boksing og ulike andre løp.

INimanka ciyaartooyga ah waa qaawanaayeen, oo waxay marsan jireen saliid, markay tartantan ku jiraan. Saliidda waxay isu marin jireen si ay billicdooda u wanaajiyaan, iyo inaan si fiican loo qaban markay legdamayaan. Kuwa feedhtamaya, waxay gacmahooda ku wareejin jiren xadhko maqaar ka samaysan si feedhkoodu waxyeello dheeraad ah u gaystaan, kuwa boodada dheer ka qaybgelayaaa waxay gacmaha ku xidhan jireen miisaan si ay sida ugu dheer u boodaan.

vase1

Tartamayaal Giriig ah oo dheri-ubaxeed lagu sawiray

Billadda koowaad ee Olembikada waxay ahayd sharafta ugu sarreeysa ee ciyaartooy gaadhi karo. Qofka ku guulaystaa madaxa loo saari jiray taaj caleen saliid saytuuna. Markuu ku soo laabto dawlddiisa yar, waxaa loo soo dhoweyn jirey sidii halyay, xaflad weynna waa la qaban jirey. Abwaanno ayaa heeso u samayn jirey guusha uu soo hooyey, suuqanna waxaa looga taagi jiray taallo. Intaas waxa dheer oo laga siin jiray xarunta degmada cunto lacag la’aan ah- noloshiisa oo dhan!

laur

Lama hubo markii ugu horreysay ee ciyaaraha Olembikada la qabtay, balse liistadii ugu horreysay ee dadka ku guuleystay waxay ahayd 776 C.H. Waxaa la qabanjiray afartii sanno hal mar, ilaa qaysar Roomaan ah, Tiyodusiyus I, uu mamnuucay ciyaaraha in la qabto 394 C.H.  Markaas ka dib lama qaban wax ciyaaro Olembiga ilaa laga soo gaadhay 1896, markaas oo ka qaybgalayaal waddama badan ka kala yimi isugu yimaadeen fagaare Atiina ku yaal.

Ma ogtahay in…?

  • shanta goobo ee calanka Olembikadu u taagan yihiin shanta qaybood ee adduunka
  • waddan kasta oo adduunka ah calankiisa waxa ku jira mid ka mid ah midabyada Olembiga
  • dabka ciyaaraha Olembikadu waxaa looga shido Olambiya sidii waayadii hore
  • iminka ay jiraan ciyaaraha Olembiga ee Xagaaga iyo Jiilaalka
  • laba jeer Noorwey lagu qabtay ciyaaraha Olembikada  Jiilaalka; Oslo 1952 iyo Lillehammer 1994

Ciyaaraha Olembikada ee Giriig

Ciyaaraha Olembikada ee Giriig

Masrax Giriig ah