» Giriiggii hore » Nolosha dawladaha yaryar

Nolosha dawladaha yaryar

 

Giriiggu waxay ka dhisi jireen qalcad weyn buur korkeeda, hoosteedana magaalada ayay ka dhisi jireen. Guryaha hareerahooda, masnacyada iyo goobaha ganacsiga waxay ku samayn jireen deyrar dhaadheer oo dhagaxaan ah, si ay isaga ilaaliyaan cadawgooda haddii dagaal dhaco. Magaalo kastaa waxay lahayd suuq ama seylad, oo lagu magcaabi jiray agora, halkaas oo dadku ku kulmi jireen si ay isu waraystaan oo ay u wada ganacsadaan. Xarunta degmadu halkaas bay iyana ku taalley, sida caadadu tahayna halkaas baa lagaga doodi jiraya arrimaha muhiimka ah. Magaalooyinku waxay sida badan lahaayeen goob isboorti iyo masrax dul furan oo kuyaal daafaha magaalada. Reer Giriigga waxay la ahayd in jidh caafimaad qabaa uu u muhiim yahay sida in la shaqeeyo ama dugsi la aado ay muhiim u yihiin.

hellastorg

Suuqa (seyladda) Atiina

Kalabar dadka magaalooyinka degganaa waxay ahaayeen addoon. Badankoodana dagaal baa lagu soo qabsaday, iyaga ayaa laga ganacsan jiray sida badarka, xoolaha iyo badeecadaha kale. Addoontu waxay ka shaqayn jireen beeraha, godadka macdanta iyo dhagaxjebinta, iyo inay dhisaan guryaha. Addoonta qaar ka mid ahi waxay ahaayeen macallimiin iyo dhakhtarro. Dumarka ay qabaan ragga xorta ahi, gurijoog bay badanka ahaayeen. Waxay masuuliyaddoodu ahayd ababinta carruurta, iyo inay ilaahayada u allebaryaan.

Dumar addoon ah ayaa cuntada u karin jirey, dhaqitaanka iyo gurinadiifintana u samayn jirey. Ninka ayaa reerka u soo adeegi jirey. Subaxdii buu jarmaadi jirey, mana soo noqon jirin ilaa goordambe caweyskii. Markuu soo laabto wuxuu soo dhammeeyey adeeggii, wuxuu la soo sheekaystay rag kale, laga yaabee inuu isboorti kasoo qaybgalay iyo inuu ugaadhsi ka yimi. Haddii uu marti guriga u soo kaxeeyo, xaasku ma imanayso martida agteeda, balse gabdho addoon ah ayaa martida heeso iyo qoob ka ciyaar ku maaweelinaya.

UTESKOLE

Dugsi bannaan ku yaal ee Atiina

Wiilasha keliya ayaa dugsiga aadi jirey. Waxay billaabi jireen markay lix sano jiraan, waxayna dhamayn jireen shan iyo toban markay gaaraan. Gabdhuhu waxay joogi jireen guriga oo baran jireen farsamada guriga iyo carruur ababinta. Gabdhaha intooda badan waxa la guursan jiray markay shan iyo toban gaaraan.

Atiina

Ragga reer Atiina waqti badan bay kaga doodi jireen oo go’aamo ku gaadhi jireen sida dawladaha yaryar loo wadayo oo loo maamulayo. Kuwa keliya ee loo ogolaa in ay aragtidooda ka dhiibtaan, waxay ahaayeen ragga xorta ah ee magaalada ku koray. Sagaalkii beriba marbaa shir dadweyne la isugu iman jiray. Shir dadwaynahaa waxaa lagu samayn jiray sharciyo, cashuurta la bixinayo iyo go’aamo kale oo muhiim ah. Kumanaan baa isugu iman jiray si ay doodaha uga qaybgalaan. Xeer ayaa dhigayey inaan shir la bilaabin ilaa 6000 oo xubnood ay joogaan meesha. Raggu waxay u codayn jireen arrimaha iyaga oo gacanta kor u taagay haddii ay ayidayaan iyo haddii kale. Reer Atiina tan waxay ugu yeedhi jireen Dimoqraadiyad, inkastoo dumarka, addoonta iyo soogaleetiga aan loo oggolayn inay ka qaybgalaan go’aaminta.

perikles

Aftahankii weynaa Berikliis oo la hadlay dadweynaha Atiina Wiki Commons

Kuwa hawlaha muhiimka ee magaalada maaraynaya, waxa lagu soo dooran jiray si bakhtiyaa nasiib ah. Bakhtiyaa nasiibkaas ayaa lagu soo xuli jiray xaakimada maxkamadaha iyo garsooreyaasha isboortiga. Sannadkii mar baa reer Atiina u codayn jireen in magaalada dad laga caydhiyo. Dadka ay la soo gudboonaato sharaf-dhac , ee aan magaalada laga rabin, waxay halis u ahaayeen inaanay magaalada ku soo laaban muddo ilaa toban sano ah.

Isbaarta

Atiini waxay had iyo jeer dagaal kula jirtay Isbaarta, oo loo yaqaanay dawlad dagaal. Ragga reer Isbaarta waxay ahaayeen dagaalyahanno, sababtoo ah way u tababaran jireen inay noqdaan dagaalyahanno. Wiilashu markay toddobo jirsadaan ilaa ay 30 jir ka gaadhayaan waxay ku jirijireen xero milateri. Halkaas waxaa ka jiray tababar adag iyo nidaam-anshax (disiplin) oo adag. Cunto yar baa la siin jirey, dhar fiicanna may haysan jirin. Sida ugu roon ee loo badbaadi jirey waxay ahayd in tuugaysi la barto. Reer Isbaarta waxay la ahayd in wiilashu dagaalyahanno fiican noqonayaan hadday dhibaatoodaan. Shaqada militerigu waxay socon jirtay ilaa inta 60 sano laga gaarayo, qofkii noolaada.

spartaner00

Taallo hore oo reer Isbaarta iyo mid casri ah Wiki Commons

Dagaalyahannada reer Isbaarta waxay lahaayeen timo dhaadheer waxayna gashan jireen jaakado guduud ah, sidaas darteed waa sahlanayd in la garto dagaalyahannadan bellonimada ku caanbaxay. Haddii aanay askartani dagaal ku guuleysan, waxay ahayd inay sii dagaalamaan ilaa ay kawada dhimanayaan. Looma oggolayn inay dagaal dib uga soo laabtaan.

Dumarka reer Isbaarta way ka xornimo badnaayeen dumarka dawladaha yaryar ee kale, maadaama raggu ay inta badan qoysaskooda ka maqnaayeen. Waxa lagama maarmaan ahayd in gabdhuhu iyo dumarku si fiican u tababarnaadaan, oo jidh dhisan lahaadaan, si ay carruur fayow u dhalaan. Wiilasha ayaase aad loo doorbidi jiray, waxaanna dhici jirtay in gabdhaha yaryar duurka la dhigi jiray. Gabdhahan waxaa soo qaadan jiray dadkale, oo addoon ka dhigi jiray.

Beri waxa jirey qof