» Ilbaxnimooyinkii waaweeynaa ee webiyada » Masartii Hore iyo Niilka

Masartii Hore iyo Niilka

 

Nilen renner ut i havet

Niilka ayaa badda ku darsamaya

Dhulka Masaaridii hore wuxuu u badnaa lama-degaan. Webiga Niilka la’aantiis suurogal may noqoteen in halkaa la dego. Niilku waa webiga adduunka u dheer, waxaanuu dhexmaraa waddamo badan. Meesha ugu balaaadhani waxay ku taal Masar halkaas oo uu kaga darsamo Badda Cad.

Sida Mesabotaamiya oo kale ayuu webigu ugu muhiimsanaa dhul beerashada iyo in la noolaado. Masar daadku wuxuu iman jiray xilli go’an. Sannad kasta laga bilaabo Luulyo ilaa Oktoobar waxay ahayd xilliga daadka. Maadaama ay Masaaridu ogaayeen xilliga daadku imanayo, way isu diyaarin kari jireen oo ay ka dhisi jireen biyoxidheenno  magaalooyinka iyo beeraha hareerahooda, iyo inay biyaha ka madhiyaan biyo-xidheenada. Daadadku aad umay weynaan jirin sida kuwa Mesobataamiya.

batbyggere

Doonyo-dhisayaal Masaari ah

Masaari badani waxay ahaayeen beeraleey. Waxay beeran jireen cunto, xoolo ayay dhaqanjireen, way ugaadhsan jireen oo way kalluumaysan jireen. Qaarkood waxay ahaayeen farsamoyaqaanno, tusaale ahaan, fuundi (wastaad), roodhilayaal, doonyo-dhisayaal iyo birtumayaal.

 

 

 

glyffer2

Hiroqilif

Beeraha waxay ka beeri jireen kataan (lin), kaas ooy dumarku dhar ka tolijireen. Hareeraha webiga ayay qoysasku ka ururin jireen cawsduur (siv) gaar ah oo la odhan jirey caw (papyrus). Waxay ka samayn jireen cawsduurka kabo sandhal ah, doonyo iyo xaashiyo. Ereyga xaashi halkan bu uka soo jeedaa.

Masaaridu waxay soo saareen far la yiraahdo Hiroqilifar. Halka reer Mesobataamiya ay sabuurad-dhoobo ah waxku qori jireen, Masaaridu waxay ku qori jireen xaashiyo.

 

 Fircoon

Statue av farao

Taallada fircoon

Boqorka Masar awood badan buu lahaa. Wuxuu deggannaan jirey guri weyn oo wanaagsan, qasri, hawshiisa u weynina waxay ahayd ladnaanta dadkiisa. Masaaridu waxay rumaysnaayeen in boqorku ilaahay wiilkiisa yahay, sidaas darteed ugumay yeedhi jirin magaciisa. Waxay ugu yeedhi jireen Fircoon, oo macnaheedu yahay «guri weyn». Fircoonimada aabbaha wiilkiisa ayaa ka dhaxli jirey.

Dadweynuhu waxay siin jireen fircoon cashuur. Cashuurtu ma ahayn lacag, sida maanta aan samayno, balse fircoon wuxuu heli jirey qayb ka mid ah waxkasta oo dhulka laga beero oo laga sameeyo. Fircoon wuxuu dhisi jirey biyo-xidheeno, kanaallo biyo iyo macbadyo. Dadkuna waxay ahayd inay kaalmeeyaan.

Ahraamta

En mumie i kisten sin

Masar waxa lagu yaqaan Ahraamta waaweeyn, kuwaas oo ah qabuurahii qaar ka mida boqorradooda. Masaaridu waxay rumaysnaayeen in geerida nolol ka dambayso, sidaas darteed waxaa muhiim ahayd in boqorrada si fiican loo duugo. Waxa lala duugi jirey dahab badan, cunto, dhar iyo hub uu u adeegsan karo noloshiisa kale. Si loo dhowro maydka waxa jidhkooda lagu duubi jirey falliiqyo faashad ah oo ay samayn jireen Muumiyaa.

Marka maydka si gaar ah baa loo maydhi jirey, markaas baa maskaxda iyo xubnaha gudaha, marka laga reebo wadnaha, laga saari jirey oo weellal gaar ah lagu ridi jirey. Maydka ayaa la marin jirey boomaatooyin iyo saliido kala duwan. Ka dibna jidhka oo dhan baa lagu wareejin jirey falliiqyo faashad ah oo dhaadheer. Gebagebada mumiyada ayaa lagu ridi jirey naxash gaar ah oo sawirka meydku korka kaga yaal.

 

Kheopspyramiden

Ahraamka Khuufa

Fircoonno badan, iyo maalqabeenno, ayaa lagu duugay Ahraamta. Waxaa Masar laga dhisay ilaa konton ahraam ah. Ka ugu weyn waxa la yidhaahdaa Khuufar (Kheopspyramiden) oo waxa lagu magcaabay boqor halkaa ku duuggan, boqor Khuufar ( xukumay qiyaastii  2589 ilaa 2566 C.H.)

Ahraamkani waxa uu ku yaallaa lama-degaanka Giisa, meel duleedka caasimadda maanta ee Masar ah.

Dooxada Boqorka, oo ku taal Uqsur agteeda, waxa kale oo laga helay qabriyo boqorro iyo mumiyaal.

Sida loo dhisay Ahraamtu, waa xujo weli adduunka ka jirta. Sidee bay ugu suuro gashay, iyagoon mashiinno waaweeyn iyo qalab casri ah haysan sidaan maanta u haysanno?

Arkeologer åpner kisten til Tuthankamon

Arkiyoolaji furaya naxashka Tuutankhamoon


 

 

 

 

 

Ma ogtahay in…?

  • 96% Masar lama degaan tahay.
  • Niilka dherekiisu yahay 6500 km.
  • Ahraamta Masar tahay mid ka mida toddobada wax ee layaabka leh adduunka.
  • Ahraamka Khuufar dhererkiisu yahay 137 mitir, uuna ka samaysan yahay 2 ½ milyan dhagax. Fiinta u sarraysa ahraamkani ay ahayd dahab.
  • Ahraam kale oo caan ahi ku yaalliin Meksiko iyi Beeruu.
  •  Weligeed bay tuug badani xaddaysay hantida ku aasnayd ahraamta.

Ahraamta

Abu Simbel