» Muuqaalka dhulka

Muuqaalka dhulka

Cutubkan waxaa wax laga baranayaa:

* Qolofta dhulka
* Dhulgariir
* Folkaane
* Barafloox iyo waagii barafweyne
* Muuqaallo dhul oo kala gedisan
* isbeddelka muuqaalka dhulka

hvor10

Noorweey waxa ay leedahay muuqaallo dhul oo kala duwan. Haddii aan wax ka sheegno waxaa ku yaalla buuro, kaymo iyo muuqaal dhuleed aadane

Sidee u egtahay meesha aad deggan tahay?

Ma buuro dhaadheer baa?
Ma dhul siman baa?
Ma dooxo ayaa deggan tahay?
Ma kaymo badan tahay?
Ma fiyoord baa ag deggan tahay, mise xeebta ayaa deggan tahay?
Ma i magaalo baa deggan tahay, mise waxaad deggan tahay meel yar?

Ma laga yaabaa in aad maqashay in muuqaalka dhulku aannu weligii u ekaan jirin sida uu maanta u egyahay?

Cutubkan waxa ka baranaysaa sababta uu muuqaalka dhulku sida maanta uu u egyahay ugu ekaaday iyo sida uu isu beddelo.

Ma og tahay  …?

  • Dhereka Noorweey in uu yahay 1752 km marka laga cabbiro kor (Laga soo bilaabo halka ugu koonfuraysa ilaa halka ugu waqooyisa)
  • Noorweey waa waddanka siddeeddaad ee Yurub ugu weyn xagga dhererka!.
  • Waxa dhex marta Noorweey silsilad buuro ah  oo waqooyi ilaa koonfur ah.