» Ilbaxnimooyinkii waaweeynaa ee webiyada

Ilbaxnimooyinkii waaweeynaa ee webiyada

Masar iyo Mesobataamiya

 

Cutubkan waxaad ka baranaysaa:

  • Webiyada Furaat iyo Dejla
  • Mesobataamiya nolosheeda
  • Ikhtiraacyada iyo habdhis-farqoraal
  • Webiga Niil iyo noloshii Masartii Hore
  • Fircoon, Ahraam iyo Mumiyaa

Si fiican u eeg khariirradda oo adeegso weyneeyaha si aad u hesho webiyada Niil, Furaat iyo Dejla!

Waxaad arkaysaa in webiyadani ku yaalliin ‘gunta Badda Cad’, ee u dhexeysa Afrika, Aasiya iyo Yurub. Maanta waxaan ugu yeedhnaa dhulkan Bariga Dhexe.

In ku dhow 4-7000 sano ka hor waxaa dad badani degeen hareeraha webiyada adduunka u weyn, gaar ahaan afka webiyada. Webiyadu waxay keeneen dhul la beeran karo, iyo kalluun badan. Magaalooyin badan baa ka samaysmay, oo ganacsi habaysan, iyo dugsiyo milateri leh.

Laba ka mid meelahan ayaa hadda wax ka baran doontaa: Mesobataamiya iyo Masar. Si fiican ula soco, waxa laga yaabaa in aad ka ogaatid waxyaalo ay iskaga mid yihiin iyo qaar ay ku kala duwan yihiin.

Det var en gang et menneske

Det var en gang et menneske