Nacayb indho la’

Laylisyo

  1. Axmed shaqo aan buuxin ayuu raadsanayaa isagoo iskuulkana dhigta. Wuxuu diray in ka badan 20 arji, wax jawaabana ma helin. Eerik isna shaqo ayuu raadsanayaa. Shaqooyinkii uu ugu hor dalbaday mid ka mid buu helay, maqaasiinka dukaan cuntada iibiya. Maxaad u malaynaysaa in ay Axmed ugu adag tahay shaqo helid marka loo eego Eerik?
  2. Sidee qof u baran karaa dadka meelaha u dhow degggan? Qof weyni muxuu samayn karaa, qof dhallinyaro ahi muxuu samayn karaa?

Liis ereyo

Dhaqan – sidaad u hadashid, fekertid iyo sidaad u dhaqantid
Nacayb indho la’ – fikrado xun oo laga haysto dad aadan aqoon
Cunsurinimo – nacayb indho la’ oo ku salaysan midabka iyo meesha qof ka yimi
Aqoon u leh – xirfad leh, xariif ah