Doorasho iyo xisbiyada siyasaasiga

Laylisyo

  1. Haddii aad ka coddayn lahayd Noorwey arrimahee kuugu muhiimsanaan lahaa?
  2. Ma raadin kartaa magacyada xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn Noorwey?

Liis ereyo

Barnaamijka xisbi – aragti guud ee waxa xisbi siyaasi ah ay la tahay ee uu qaban doono
Doorasho baarlamaan – doorasho xisbiyo siyaasadeed u tartamaan si ay ugu guulaystaan kuraasta baarlamaanka ka dibna xukuumad soo dhisaya
Doorasho degmo – doorashada maamulka gobollada iyo degmooyinka
Gobol – qayb ka mid ah waddan. Noorwey waxay leedahay 19 gobol. Gobolkastaana wuxuu u qaybsamaa degmooyin
Degmo – qayb gobol ka mid ah. Noorwey waxay leedahay boqolaal degmo